Maxay Tahay Sababta Ay Shirkado waa Wayni Ilaa Hada U Joojin Waayeen Duulimaadyada

0
Wednesday April 29, 2020 - 12:19:52 in News by
  • Visits: 2507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Ay Shirkado waa Wayni Ilaa Hada U Joojin Waayeen Duulimaadyada

    Maxay Tahay Sababta Ay Shirkado waa Wayni Ilaa Hada U Joojin Waayeen Duulimaadyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Sababta Ay Shirkado waa Wayni Ilaa Hada U Joojin Waayeen Duulimaadyada


Shirkadaha diyaaradaha ee waaweyn waxaa looga bartay in aanay hakin duulimaadyadooda, xitaa haddii diyaaradda markaas kacaysa ama diyaaradaha waqtigaas ku qorani aanay haynin rakaab ku filan oo ay qaadaan. Mararka qaarkoodna waxaaba dhacda diyaarad aanu rakaab saarnayn in ay haddana sii wadato duulimaadka. Arrintan ayaa abuurta in dad badani is weydiiyaan sababta ay shirkaddu culayska kharashka duulimaadkaas ugu dhiirranayso?

Pressure Mounts on Ethiopian Airlines to Halt Flights to China ...


Dadka qaarna waxa ay la noqotaa ballan ilaalin ganacsiga duulimaadyadu dheer yahay ganacsiga kale, laakin sidaas ma’aha.


 

Garoomada diyaaradaha ee mashquulka badani waxa ay ku shaqeeyaan nidaam shirkadda duulimaadyadoodu badan yihiin ay kooto ugu xidhayso dhabbe garoonka ka mid ah o aan laga mashquulin si ay mar kasta fursad ugu hesho soo degista iyo haadistaba. Halka shirkadaha kale la siiyo jadwal ay tahay in ay raacaan si loo kala hago diyaaradaha soo fadhiisanayo garoonka ama ka kacaya, taasina ay keento in maalmaha ay diyaaraddu garoonkaa ka shaqaynaysaa xaddidnaadaan, ama in saacado aanay ka raalli ahayn ay sugto fadhiisiga iyo kicista.


 

Dhabbaha kootada shirkadda loogu xidhayo, xeerka lagu dhaqo waxaa ku jira qodob loo yaqaanno 20/80 oo ah in shirkaddu ay dhabbahaas isticmaasho boqolkiiba 80 waqtigiisa, haddii kale lagala wareegayo oo shirkad kale oo waqtigaas buuxin karta la siinayo, si uu u noqdo dhabbe uu dakhli fiicani ka soo galo garoonka.


 

Arrintani waxa ay kalliftaa in shirkadaha duulimaadyadu aanay hakin diyaaradahooda tegaya dalka uu garoonkani ku yaallo, xitaa haddii uu rakaabku tiro yaryahay, ama ay dhacdaba in iyada oo madhan ay sii wadato socdaalkii u qorshaysnaa. Duulimaadyada noocaas ahna waxaa oo loo yaqaanno ‘Duulimaadyada rooxaanta’ (Ghost flights).


Si kastaba ha haaato ee muddadan uu xanuunka Coronavirus jiray, ee ay dalalka adduunka badankoodu hawadooda xidheen, waxa ay shirkado badani ku qasbanadeen in ay joojiyaan duulimaadyada. Dalal badan oo Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ka mid yihiinna iyaga oo arrintan tixgelinaya ayaa ay si ku meelgadh ah u hakiyeen ku dhaqanka xeerkaas 20/80.


Waxaa xusid mudan in 20/80 ay tahay qaaciido ama xeer meelo badan siyaabo kala duwan loogu adeegsado.


Haddii aad is weydiinayso sababta diyaaraddu ugu baahantahay dhabbe u gaar ah? Waxaa ka mid ah saddexdan laakiin kuma koobna.


  1. In saacadaha shaqada ee duuliyaha iyo hawlwadeenadaba laga faa’iideeyo maadaama oo uu qaras badani ku baxo.

  1. In diyaaraddu ay dad badan u kasbato, maadaama oo qofku mar kasta oo uu tago aanu ka walaacsanayn in uu ka waayo tigidh maalinta uu doonayo ah.

  1. In dadka qaar bilo badan ama xitaa sannad ka hor ay qorshaha ku sii darsan karaan safarkooda iyo maalinta uu yahay iyaga oo tigidhka sii goosanaya. Laakiin diyaaradaha aan dhabbaha kootada ugu xidhnayn ma jari karaan tigidh sidaas u fog, oo isku hallayn karaan jadwalka laga siinayo garoonku sida uu u waafaqi doono
Loading...
Loading...