'' Baradii Cishqiga & Ilbaxnimadda Maxaa Badalay ''.

0
Wednesday April 29, 2020 - 11:02:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Baradii Cishqiga & Ilbaxnimadda Maxaa Badalay ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Qarniyaddii 12 aad iyo 13aad , Waagii Aduunyadda imika horu martay ee Yurub mugdiga ku jirtay Maraykana aan laba aqoonin , Berberi waxay ahayd magaalo cad oo camiran , Badmareenadii waagaas soo marayna waxay ku sheegeen magaalo camiran , ilbaxa oo ganacsigeedu aduunka oo dhan ku xidhan yahay .

 

Joornaal ka faaloodda ganacsiga oo soo baxay 1856 oo Ingiriisku soo saarayna wuxuu shaaciyey '' Berberi waa mid ka mida dekedaha ugu muhiimsan caalamka iyo dekedda ugu camiran Gacanka Carbeed ''.

 

Sarkaal la odhan jirey Captain Hains oo ingiriis ahaa oo xukumi jirey Dekedaha Cadmeed 1839 ilaa 1854 wuxuu yidhi '' 80% Dakhliga kasoo baxa marsadda cadmeed wuxuu kasoo baxaa alaabta ka timaadda berbera , sidoo kale dekedda Mukha waxaa kasoo degga waxay ka yimaadaan Berbera , waxaana ka mida Bunka Itoobiya oo loo yaqaanay waayadaas Coffee Bebera ''.

 

Geesta kale , Berberi waxay ahayd magaalo xadaaradeed , Cilmi , tajaaradeed oo ilaa waayadaas aynu ka hadlayno iyo ka hor ba camirayd , dadkeeduna Ilbax ahaayeen .

 

Waana magaaladii , Ganacsatada Carbeed , Hindiyeed , Yuhuudeed,Iraan iyo Soomaaliyeed wada degenaayeen ee aan qaladda iyo qabyaaladda laggu aqoonin .

 

Dhinaca kale , waa magaaladii Jacaylka , Kal-gacalka wada noolaanshaha iyo muxubada ku caanka ahayd ee caanka ku ahayd Aabihii Jacaylka Cilmi Bodheri .

 

Si kastaba ha ahaatee , Waxaa is waydiinle , magaaladii caanka ahayd ee Cishqiga iyo ilbaxnimada maxaa badaley , ma Berbera ayaan berberadii la inoo sheegayay ahayn mise dadkan magacii Berbera badhaysiiyay ayaan reer Berbera ahayn .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...