Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Sheekayna Qisadii Nabi Idris.

0
Wednesday April 29, 2020 - 09:28:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Sheekayna Qisadii Nabi Idris.

    Ramadaan mubarak.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan mubarak.


Nabi idris waxa uu ka mid ahaa adoomadii ilaahay ee wanaagsanaa,wuxuuna ahaa caalim ku xeeldheeraa aqoonta xikmado aad u balaadhnaa,wuxuuna ahaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee dunida keenay sida qalinka wax loogu qoro iyo sida dharka loo tosho,wuxuu kaloo ahaa nin xikmad badaa oo alle ka cabsi badnaa wuxuu kaloo yiqaanay cilmu falaga iyo cilmiyada xisaabtka.

 

Idris wuxuu  kusoo wareegay caalamkoo dhan isago oo galay magaalo kasta waxuuna dadka u iftiimin jiray barashada ilaahay iyo caabudaada alla isla markaasina waxa uu dadka uga digi jiray waxyaalaha xun xun,wuxuuna ahaa mid caawiya dadka fuqarada iyo masaakiinta



Malaa’igta ilaahay waxay ahayeen kuwa jecel Idris maxaa yeelay markaste waxa uu baddin jiray tasbiixda iyo adkaarta wuxuuna daa’imi jiray salaada iyo sakada.

 

Sidaasi oo kale ayay idris jeclaadeen shucuubta aduunyada dawlad kastina waxa ay ku magaacaabi jirtay magac u gooniya iyo waliba mansab u gaara.


Masaaridii hore waxay ku magacaabi jirtay Idris Hurmas waxayna aaminsanaayeen inuu yahay inankii Minf ee caasimada Fircooniyada Masar,kadib markuu maray wadamada ugu danbayntiina kusoo laabtay Masar.


Yuhuuduna waxay Idris u taqaanay Akhnukh waxayna yidhaahdeen wuxuu ahaa idris midka mida anbiyada markii danbe lageeyay xaka sare.

 

Dadkii giriiga ahaana waxay idris u yiqaaneen Awrinkii sadexaad isla markaasina waxay ka aaminsanaayeen inuu ahaa dadkii xikmada lahaa ee aduunyadan xukumi jiray.


Dadka islaamkuna waxay idiris u yiqaanaan Saadiqul Nabiy maxaa yeelay ilaahaybaa qur’aanka inooga waramay in la geeyay meelsare

 

Nabigeenu Caliyihi salaam wuxuu ku arkay Idris habeenkii israaga samada afaraad.

 

Wuxuu ahaa Idris mid habeeniyo dharaar akhriya suxufigii lagu soo dajiyay ee la odhan jiray Shiis.


Ugu danbayntiina wuxuu ahaa adoonka mida adoomada ilaahay ee la doortay Nabinimada naxariiskorkiisa ha ahaato isaga iyo Nabigeenaba iyo Anbiyada dhamaandoodco


Ramadaan mubarak.

hamse riiraash

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...