Afhayeenka Iyo Wasiirka Warfaafintu Labaduba Afka Madaxweynaha Ayeyku Hadlayeen-Kelmad Kelmadbayna Way Isu Burinayeen.

0
Monday April 08, 2019 - 10:46:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Iyo Wasiirka Warfaafintu Labaduba Afka Madaxweynaha Ayeyku Hadlayeen-Kelmad Kelmadbayna Way Isu Burinayeen.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
AFHAYEENKA Madaxtooyada hadalkiisii Madaxweynahu afkiisa ayuu kasoo boodsiiyey isagoo kolay aad u xayraansanaa bulshada reer SOMALILAND na Ka nixiyey xanafna beeray waxaa la garan karaa in Musdambeedka Madaxweynuhu mawqifka Madaxweynuhu arintan u dhexeysa ee kiiska ah ee Madaxweyne labada Geelle u dhexeysa inuu meel aan KU haboonaynayn Xukuumadda Somaliland Ka MUDH yidhi dabadeedna la isla gartay in ay Xukuumaddu mar labaad hadasho iyadoo si kale hadalkeeda bulshada reer SOMALILAND ugu dhegaysa laakiin mawqifkeedii dhabta ahaa ee kiiska hawada ayuu galay Lana arkay. Somalidu waxay KU maahmaahdaa WAANO DHALAN BAA KA ADAG Madaxweyne Muse waynu wada naqaan OO wuu gole Ka fuul badanyey ee waxaa muhiima in Afhayeenka laga fogeeyo si loo saxo marar badan intaan goaanada Madaxweynuhu hawada gelin. Berigii Afweyne Mogadisho laga saaray ee Mudada uu fadhiyey Gobolka Gedo iyo Garbahaarray ayuu Weriyhii caanka ahaa ee AMMIIN UGU TEGEY DAASHKII uu KU Jiray waxaa Ka mid ahaa Suaalihii UU weydiiyey MADAXWEYNE INTAAD HALKAN JOOGTAY EED MADAXTOOYADII KA SOO MAQNAYD WAX ISBEDELA MAXAA KUGU DHACAY ? Wuxuu Afweyne KU jawaabay waxaa igu DHACAY buu yidhi Sigaarkaan aad u cabbaa markaa Qarafkii iyo sigaarkii baan laba nin u Kala dhiibay oo suuqa jooga markaan xabbad shido idhaahdoba inta suuqa laga soo helayo kii qarafka hayey iyo kii sigaarka hayey ayaa caafimaad dheerada ii noqotay oo sambabadaydii nastaan. Waxaa Soo jeedinayaa Madaxweyne Muse wuu uga lexejeclo badanyey Wadanka iyo dadka Siilaanyo iyo Xukuumaddiisii uu Ka xannuunsadaye waa in laga fogeeyaa uun Afhayeenkiisa Madaxtooyada iyo Wasiirka Warfaafinta inta iyaga suuqa laga raadinayo Muse Xayraanadiisa wax badan baa laga sixi karaaye. Reer SOMALILAND si xooga bay Kiiskan ina Cumar geelle uu KU dhacay inanka Yar ee Axmed Cismaan Geelle UGA QAYB QAATEEN.Xukuumada ugu isticmaalayo. INUU INA CUMAR GEELLE DHACDOON YAHAY SHALATO MAXKAMADDA CAALAMIGA AH EE LONDON WAXAY KU XUKUNTAY 385 MALYUUN OO GINIGA INGIRIISKA AH OO UU KA DHACAY DB WORLD OO IYADUNA USOO BIYEYSATAY GEESKA AFRIKA. bulshada noocyadeeda Kala duwani dhawaaq dheer bay dhigeen


waana la wada arkaa maalku ama xagga ha yaallo ama xaggaa ha yaallee waa maal reer SOMALILAND laga dhacayo waxay ummaddu hadalkoodii KU soo gunnaanadeen Ina Cumar Geellaw KAA AQBALIMAYNO INAAD HABEENKII IYO MAALINTIIBA LAGADABA ISU KAAYA QAAWISO OO WELIBA MAALINTII KAA AQBALI MAYNO WAANA INOO GEED-CIISE IYO XEERBEETIGA DIINTA ISLAAMKA.

WUXUU KIISKANI KU FUDUDYEY WAA HANTI DOCUMENTS IYO MARKHAATIYAAL LEH OO WEY DHAMMAANAYSAA SI DHAKHSO AH.

Wasiirka Warfaafintuna runtii ummadda horteeda ayuu isku waaniyey in dhegaha caruurta iyo jiilasha soo socda aan hadal ada xunxun laga ilaaliyo wax badan oo UGU duuban midea Hana way jireen HA SAMAATOO HA LAGAA HELO HADAL WACAN OON HANJABAAD DIGAAG IYO DEELQAAF LAHAYN.

M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...