Qabiilkii Akhiray Reer Ifriiqiya. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

0
Wednesday April 29, 2020 - 09:25:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilkii Akhiray Reer Ifriiqiya. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

    "Gabaygan wuxu kamid yahay tiirarka Suugaanta Xaajiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gabaygan wuxu kamid yahay tiirarka Suugaanta Xaajiga"

Markii eebe weyne aadmiga abuuray wuxu u kala dhigay dad kala gedisan midab ahaan, luuqad ahaan, degaan ahaan iyo shucuub ahaanba.



Wuxu eebe weyne u sameeyey ibnu aadmiga qabiilooyin ay ku abtirsadaan kuwaas oo u jeedada ka dambaysana uu inoogu sheegay inaynu isku garano oo isku garwaaqsano sida ku cad aayada aayada 13aad ee suurada xujuraad ee quraanka kariimka ah.


Gabaygan wuxu kamid yahay tiirarka Suugaanta Xaajiga, waa gabay dhaxalgal ah oo abwaanku sida farshaxanimadu ku dhantahay inoogu soo tabiyey una falkiyey, wuxu si dhaba inoo dareensiinayaa foolxumada qabyaalada reer ifriiqiya lagu saliday. Sanadkii 1971-kii ayuu xaajigu curiyey gabaygan. Waxa gabayga dhexdiisa ku jira aftahamo dheeraad ah oo xaajiga suugaantiisa baadisooc u ahayd, xaajiga laftiisa ayaa isku metelay inu yahay qabyaaladii oo soconaysa,wuxu sidoo kale soo banbixinayaa dhibaatooyinka qabyaalada, qabyaaladii colaadaha iyo abaaruhu ay ka unkami jireen, qabyaaladii iblays iyo odayo shaydaan ay aabaha u ahaayeen, qabyaaladii abtir kala sooca dugsiga lagu barto ahayd, qabyaaladii laba u qaybisay duul walaalo ah oo qaarna sab u bixiyey qaarna aji u baxshay, qabyaaladii dadka isku dirtay, wuxu xaajigu magac dhabayaa qaar kamid ah madaxdhaqameedyada qabyaalada kool-kooliya sida ugaasyada, cuqaasha, suldaanka iyo islowga kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa abaabula fidnada laysku aayiro, gabogabada gabayga ayuu xaajigu inooga waramayaa sidii aan uga fogaan lahayn dhibka qabyaalada, isagoo bulshada soomaliyeed uga tibix siiyey war macnihiisu yahay magaca  qabyaaladeed waad ku ambanaysaan ee ha sheegsheegina hadii sidaa aad yeeli weydaan ninkii lagu arkoow  waxaad tahay nin eeday waxaanu yidhi:

 

·       Waxaan ahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya’e

·       Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane

·       Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaaye

·        Waxay dhalay ibliisiyo jin iyo odayo sheydaane

·       Abtirsiino kala sooca baa ii iskuulla ahe

·        Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe

·       Dabkaan ololiyaa lagu gubtaa meel haddaan imiye

·        Iimaan la’aantiyo dhibtaan abid jeclaadaaye

·       Awood waxaan u leeyahay khilaaf inan abuuraaye

·        Isku diridda iyo baan aqaan laydinka adkaaye

·       Amniga iyo nabaddaanan rabin abid xayaadkaye

·        Axmaqiyo afyuun-baallahaan la arrin yeeshaaye

·       Ugaas iyo suldaan iyo niman afmiishaara

·       Waxa talada aad iila wada waa islowyada’e

·        Iyagaa abaabula fidnada laysku aayiro’e

·       In intaan u kala qaybiyoo lays afgaran waayo

·        Awlax iyo markii laysku rido ololka maadhiinka

·        Oo qaar naftii ka alwataan anafo baanaaye

·       Ayaa hebel lahaa waa midaan ku is-tareexaaye

·        Alla jabay halkii laga yidhaan agabta geystaaye

·       Billad oohinaan kii wax dilay ugu ikraamaaye

·        Ooryaha ganbo cad loo xidhaa aniga way iide

·       Intii aan arwaax diley ka badan ubaxa geedaaye

·       Iyadoon adduunkaba mulkiyey oon cidi i eegaynin

·       Axraar baa kacdiyo geesiyaal aarmigii sida’e

·       Inqilaabku goortuu dhacaye Tawraddu islaaxday

·       Ee odayadii layga xidhay ii arriminaayey

·       Awel baan ogaa inaan wakhtigu i oggolaanayne

·        Oktoobariyo xooggay diloo eeday labadiiye

·       Soomaalidaan kala eryeyaa laysu soo ulaye

·        Anigana waxay igu amreen inay i aasaane

·       Ugaas iyo Suldaan iyo Islow iyo Afmiishaarro

·        Kuwii igu ugaadhsanahayee ii abtirinaayey

·        I inkire dadkaan aaminiyo odaygii beeldaaqe

·        Eebiyo warmay ila dhaceen inammadoodiye

·       Markaan aah idhaahdoba budh bay oof i jebiyeene

·        Afka dhoobo iga saare iyo ciiday urursheene

·       Intay oog shideen bay batrool igu afuufeene

·       Igu oriye goortay xabaal igu adkeeyeene

·        Isticmaarka iyo dibusocdaha eeday taladoode

·        Markan anigu Aakhiro tegey iyo ololkii naareede

·        Ha adkurina magacayga waad ku ambanaysaane

·        Haddii kale ninkii lagu arkow eeday reer hebele.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...