Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Oo Ka Hadlay Joojinta Qaadka Waddaniga Ah Ee Dalka

0
Wednesday April 29, 2020 - 09:18:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Oo Ka Hadlay Joojinta Qaadka Waddaniga Ah Ee Dalka

    " Iyadoo ay khudaarta inooga timaada itoobiya ay kasii halis badan tahay tan qaadka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Iyadoo ay khudaarta inooga timaada itoobiya ay kasii halis badan tahay tan qaadka"

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab, Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi  ayaa baaq culus oo ku saabsan joojinta qaadka  u diray guud ahaan xukuumada Somaliland, gaar ahaana gudida ka hortaga cudurka Covid19.

 

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab, Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi, oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ku leedahay magalaada Hargeysa ayaa waxa uu soojeediyey in joojinta qaadka ee xukuumadu soo rogtay laga reebo, qaadka wadaniga ah ee ka baxa beeraheena Somaliland, kaasi oo gudoomiyuhu ku sababeeyey in uu xal u noqon karo dhawr arimood oo haatan soo ifbaxaaya kuwaasi oo sida uu sheegay gudoomiyuhu, kala ah, kow in uu ka hortago kacdoon shacbiya oo bulshadii isticmaali jirtay qaadku, ka samayso qaad joojinta guud ee xukuumadu soo rogtay, taasi oo dan u ah amniga guud ee qaranka, iyo sidoo kale iska hor imaadka bulshada iyo xukuumada. Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu xusay, in arintani ay jaanis dhaqaale u noqonayso, bulshada reer Somaliland ee beeratay qaadka Waddaniga ah maadaama ay dalka ka jirto baahi dhaqaale iyo shaqo abuur oo aad u baahsani.

 

 

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab, Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa gabagabadii hadalkiisa,  waxa uu xukuumada ku adkeeyey in joojinta qaadka inooga imanaayey dalka itoobiya iyo joojinta qaadka wadaniga ahi, aanay is khusaynin caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, isla markaasina qaadka wadaniga ahi caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba qaranka uga wanaagsan yahay ka dalka dibadiisa ka imanaaya isla markaasina wax weyn ka tari karaayo dajinta xaalad qalalaashe oo ka dhalan karta joojinta qaadka isla markaasina wakhti xaadirkan ay muhiim tahay in la fasaxo isticmaalka iyo ka ganacsiga qaadka wadaniga ah ee dalka kasoo baxa.

 

 

Gudoomiyaha ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday sidan " Iyadoo ay khudaarta inooga timaada itoobiya ay kasii halis badan tahay tan qaadka, Hadana Iyadoo aanu idinku taageernay markii hore in la hakiyo qaadka dalka dibadiisa mudada 25-ka cisho ah , Anagu bulsho ahaan waxa aanu u arkaynay amarkii xukuumada in kaliya qaadka la joojiyey yahay, ka inooga iman jiray dalka dibadiisa balse, hadii amarkii xukuumadu yahay in la joojiyey qaadkii dalka dibadiisa iyo qaadkii wadaniga ahaa-ba, waxa aanu u arkaynaa ujeedo gooniya, oo shacbiga lagu kicinaayo dalkana lagu khalkhal galinaayo, isla markaasina cid kale oo aan ahayn gudidii covid19 oo ujeedo kale wadataa ay arinka lug ku leedahay, mana aha wax loo dulqaadan karo"
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...