Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (2)

0
Wednesday April 29, 2020 - 09:12:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (2)

    W/Q: Maxamed Baashe X. Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Baashe X. Xasan


Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 2aad ee waraysigaas taxanaha ah:



Socdaal: Soonqaad suubban.
Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Qaybtii hore ee waraysiga waxa aad qoladiinna ku sheegtay Soomaali. Yaad 'Soomaali Maxamed" ka sii tihiin?
Jidbixiye: 'Soomaali Maryooley' waxa aannu ka sii nahay 'Reer Waqooyi'.


Socdaal: 'Reer Waqooyi'. Oo markaas waa idin kii goonida isu taagey ee maxaa is beddeley?
Jidbixiye: Hawlaha maskaxda loo abuuray waxa ka mid ah in aanay meel uun ku dhagaxoobin oo aanu hoonku kaga dhegin. Waa in ay feker joogto ah ku jirto, is beddello joogto ahna ay curiso, si ay u dhaliso halabuur biyo fadhiya dhaqaajin kara oo dhalin xaalad ka wacan ta markaas lagu jiro.


Socdaal: Halabuur biyo fadhiya dhaqaajin kara! Biyo soddon sano ku dhowaad fadhiyey sidee loo dhaqaajin karaa?
Jidbixiye: Haddii dhagax weyn oo loo meel dayeyo oo qorshaysan la la beegsado biyo-culista biyahaas fadhiya oo lagu dhufto waxa la arkaa in ay dhaqaaqaan oo weliba sunsun ama qulqul togan sameeyaan.


Socdaal: In ay dhaqaaqaan! Oo ma kacaan baad dhalinaysaan?
Jidbixiye: Is beddel aragti iyo maskaxeed baannu dhalinaynaa, sidii aan qaybtii hore ee waraysiga wax kaga soo tibaaxay.


Socdaal: Ma Soomaali Waqooyi ayuu baaqa aragtidiinnu markaas gaar ugu socdaa?
Jidbixiye: Maya. Waxa baaqayagu ku socdaa 'Soomaali Maxamed'. Soomaali Maryooley oo idil. Gaar ahaan se Soomaalida Waqooyi iyo ta Koonfureed.


Socdaal: Waayo. Maxaa u gaar ah  labadan qolo (Waqooyi iyo Koonfur)?
Jidbixiye: Wax badan. 1960 waxa ay sameeyeen is raac iyo qaran-wadaag magac iyo muunad yeeshay. Waxa ay wadaageen dhib iyo dheef. Macaan iyo qadhaadh, aaran iyo abaar, iyo nabad iyo colaad.


Weli na wax baa isugu jira oo gaar uga dhexeeya. Waxa ay weli dunidu u taqaan Soomaaliya, sharci ahaan (De jure), in kasta oo ay "De facto" ama si aan rasmi sharciyeed ku fadhiyin uu u jiro maamulka Somaliland oo adduunku si gaar ah ula macaamilo ilaa heer.

Socdaal: Waqooyi iyo gooni isu taaggiisu marna ma dhibaato la'ayn oo dadku kuma wada qanacsanayn gaar u baxaas,  Koonfurina waa ay kaba sii qalaanqal iyo dagaallo badnayd Waqooyiga oo xasilloonaa marka Koonfur loo eego.


Maxaa maanta dabada idin ka riixaya?
Jidbixiye: Waxa dabada naga riixaya oo na damqaya dhibaatada iyo hadimada shin-dhaafka ah ee Soomaalida dhexdeeda (Waqooyi iyo Koonfur) ka jirta iyo is beddellada gobolka iyo adduunka ka dhacaya oo ballaqaya irrido laga geli karo fursado waaweyn oo haddii sida la soo ahaa 30 ku dhowaadkii sano ee u dambeeyey haddii  hadda lagu sii jiro isu beddeli kara halis weyn oo keeni karta khasaare aan laga soo waaqsan oo is na weyn.


Socdaal: Garannay oo waxa jira kala qaybsanaan siyaasadeed iyo is diiddooyin kala dabeecado iyo caynado kala duwan leh oo mar na dhex yaal qolo kasta gudaheeda, mar kale na labada qolo dhexdooda (Hargeysa iyo Muqdisho). Waa maxay, haddaba, fursadaha ay is beddellada gobolka iyo dunida ka socdaa ku qaboojin karaan ee ay ugu deeqi karaan qalalaasaha iyo  cuyubanta Soomaalida dhexdeeda yuurura ee ragaadineyey 30 sano ku dhowaadka?
Jidbixiye: Itoobiya waa waddan ka weyn Soomaaliya/Somaliland. Waxa ku nool 113 milyan dad ka badan. Waa dad inaga aqoon badan, inooga dhega-nugul oo inaga yaqaan kala dambaynta iyo  dawladnimada. Waa dal adduunka inooga indha-furan, duniduna isaga inooga qalbi furan tahay. Dhaqaalihiisu kor buu u kobcayaa. Waa dal iyo dad badda ka go'doonsan oo marin-badeed u baahan ay wax uga dhoofaan, waxna uga soo degaan. Soomaaliya waxa ay leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3300 km oo iska dayacnaa 30 sano ku dhowaad.


Haddii Soomaaliya ay ka hanaqaaddo dawlad la isku hallayn karo oo qaran-wadaag midaysan ahi waxa ay taasi furaysaa fursado dhaqaale oo waaweyn iyo xidhiidh ganacsi oo caafimaad qabi kara oo dhex mara labada dawladood iyo labada shacbi ee Soomaaliya iyo Itoobiya aa Afrikaanka ah, jiiraankana ah.


Dalalka waaweyn ee qaabeeya aragtida siyaasadda adduunku waxa ay danaynayaan gobolka xasilloonidiisa amni iyo degganaanshihiisa siyaasadeed, gaar ahaan Soomaaliys oo lagu tuhunsan yahay/hubo jiritaanka iyo oollimaadka khayraad ballaadhan  oo dabiici ah oo iib geli kara, dunida iyo Soomaalidu na u baahan yihiin in la soo saaro, si looga wada faa'iideysan karo.


Meel aanu amnigeedu xasilloonayn, degganaan siyaasadeed na aanay ka jirin lagu ma dhiirran karo in lagu sameeyo maalgelin weyn oo dhaqaale oo ku kacaysa lag iyo laguug  Dollar (milions and billions of Dollars).


Danihii dalalka tunka weyn iyo dantii Soomaalida itaalka daran ayaa isku dhowaanaya oo ah fursad kale oo weyn.

Adduunka iyo Soomaaliya waxa u dan ah dawlad Soomaaliyeed oo midnimo qaran ah, kana adkaata sugidda amniga gudaha iyo ilaalinta xuduudaheeda dhulka, cirka iyo badda.

Fursadda 1aad
Dawlad Soomaaliyeed oo macno leh oo dhisanta, dalka oo dhanna ka talisa, dunida khaarijka na si isu dheellir leh ula macaamili karta.


Fursadda 2aad
Kor u kac iyo koboc dhaqaale iyo  ganacsi furma, shaqo abuur,  is beddel ku yimaadda nolosha geyiile kasta, amni iyo kala dambayn, iyo xasillooni siyaasadeed, tabo difaac iyo jiritaan ummadeed oo aslaaxa, lagaga na nasto qaxarka iyo qulquladaha naftii Soomaalga nugleeyey ee asaaggeed ka reebay.


Taas ka horjeedkeeda, haddii fursadahaas laga faa'iidaysan waayo oo ay dayacmaan, waxa hubaal ah in 10-ka sano ee soo socda ay Soomaalidu yeelan doonto sawir iyo muuqaal kale oo ka sii foolxun ka maanta oo la qoomammayn doono.


Qoraa Maraykan ah oo arrimaha hoggaaminta gorfeeya, Calvin J Maxwell, ayaa waxa doonni shiraacatay oo badweyn ku safraysa uu dadkii saarnaa ka hadalsiinayaa saddex qof oo ka mid ah oo kala ah: qof si-xun-wax-u-arag ah, qof si-san-wax-u-arag ah iyo hoggaamiye indheergarad ah.


Duufaanno markii ay doonnidii ku kaceen, qofkii xumaan-aragga ahaa waxa uu bilaabay in uu dabayshii eedeeyo oo catow iyo cabasho wakhtigiisii ku lumiyo.


Waa halkii laga odhan jirey  nijaarka xumi waxa uu canaantaa ana eederyaa qalabkiisa.

Samaan-araggii waxa uu isna rejeeyaa oo filaa in dabayshu is beddesho oo uu duufaanku ugu yaraan is dhimo ama is taago.


Waa halkii Sheekh Bashiir uu  culimadii Burco bilaalaha ku dhex dhigay ee ku yidhi "ku akhriya 30-ka jis ee Quraanka oo ku jebiya bakeerigaas".


Markii ay cabbaar bolaalihii Quraanka ku dul akhriyeen ee uu jebi waayey ayuu bakoorad soo qaatay oo yidhi "bismillaah", kuna bugaaxay bilaalihii, oo ku yidhi culimadii "wadaadow bisinka iyo ficilku waa ay wada socdaan".

Ama mar kale  sidii ninkii icraabiga ahaa (badowga ahaa) ee Muslimay, maqlayna Nebi Muxammad NNKH oo leh hadal nuxurkiisu ahaa "Alle talo saarta, dhib idin haleeli maaysee".


Wax la yidhi ninkii reer miyiga ahaa waxa uu markaas ka dib saxaraha ku sii daayey awr uu watey inta uu yidhi "Alle ayaan talo saartay". Suuqa ayuu iska galay. Muddo ka dib buu awrkii is yidhi carraabi. Goobtii uu ku sii daayey ayuu tegey. Maxaad ii dhiibatey? Awrkii waa uu waayey.


La ye, "waxa uu u tegey Nebi Muxammad, NNKH, oo qisadii ku dhacday uga warramay". Nebi Muxammad NNKH waxa uu ku yidhi "waa sax oo mar walba Alle talo saaro, awrkaaga se dabar ama seetee si aannu kaaga lumin".

Waxqabad la'aan lama sheegin waxsoosaar soo go'ay.


Qofka saddexaad ee doonnida la socdey ee uu Maxwell ka hadliyey waa hoggaamiyihii aragtida dheeraa. Hoggaamiyuhu waxa uu ku foogan yahay hawl joogto ah oo waxa uu hagaajinayaa shiraacii doonnida, si aanay dabayshu u fooraa-gembiyin.


Ma aha hoggaamiye eedeeya inta uu hagayo sida  labada kale ee mid na dabaysha ka cabanayo, ka kale doonayo in dabayshu is beddesho. Labadaas, doonnida iyo inta saaran buu hoggaamiyahan garashada lihi badbaadinayaa oo dabaysha ayuu loollan kula jiraa. Shiraacii buu gilgilayaa oo keenada u hayaa. Waxa meel fog uga muuqda marsadii uu doonnida ku xidhi lahaa, iyada oo nabdoon.

"The pessimist complains about the wind. The optimist expects it to change. The leader adjusts the sails".


Waa waajib diini ah iyo mid dadnimo in aynu is hagaajinno, wax hagaajinno, kuna sugnaanno hagaagsanaanta lafteeda.


La soco qaybta 3aad.

Ha la soomooy
Ha la soomooy
Soddonka Ramadaan
Ha la soomooy.


Maxamed Baashe X. Xasan
[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...