Somaliland: Tirada Dadka Uu Hayo Covid 19 Oo Hoos U Dhacday
Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19.
Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...