Baarlamanka Somalia Waa Burburay

0
Monday April 08, 2019 - 10:13:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamanka Somalia Waa Burburay

    Baarlamaanka Somalia Waa Burburay Waana Lumiyay Awooddii Sharci-Dejinta Ee Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Somalia Waa Burburay Waana Lumiyay Awooddii Sharci-Dejinta Ee Dalka.
 AARRINTAAS WAXAA SABAB U AH QAYBTA BAARLAMAANKA EE LAGA DHIGAY WASIIRADDA OO KU TUNTA HAWSHA BAARLAMAANKA MARKASTANA HORJOOGSADA HAWSHA BAARLAMAANKA EE DANTA U AH DALKA IYAGA OO U ADEEGAYA DANTA NIDAAMKA DALKA KA JIRA EE DAWLADNIMADII SOMALIA MAJARA-HABAABIYAY. XUKUUMADDA AYAA LAGU BURBURIYAY AWOODDII BAARLAMAANKA SOMALIA.

WAXAA BURBURTAY KALA MADAXBANAANIDA BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO GARSOORKA OO LOO BAAHNAA INUU MID KASTABA XAKAMEEYO ISLA MARKAANA ILAASHO MIDKA KALE HADDUU KHALAD AMA GEF DAWLADNIMO GALO. AWOODIHII SHARCI-DEJINTA, FULINTA IYO GARSOORKA AYAA WADA GALAY HAL GACAN TAAS OO ASTAAN U AH KELITALISNMO FOOL-XUN.


MEESHA WAXAA KA BAXAY ISLA-XISAABTANKII DAWLADNIMO EE SEDDEXDAAS HAY’ADOOD WAXAANA BEDELAY KELITALISNIMO FOOL-XUN OO U BAAHAN IN DHAKHSO LA ISKAGA BADBAADIYO INTA AANAY XIDIDAYSAN.

XUBNAHA DAMIIRKA LEH EE KU JIRA BAARLAMAANKA WAXAA LA GUDBOON INAY ISKAGA WADA BAXAAN BAARLAMAANKA OO DALKA WAX KA BADBAADIYAAN.

Ibrahim Hassan
April 8, 2019

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...