Somalida Qurbaha Siiba UK Yurub Iyo Covid19 Maxaa Kala Haysta.

0
Tuesday April 28, 2020 - 09:38:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalida Qurbaha Siiba UK Yurub Iyo Covid19 Maxaa Kala Haysta.

    Tolow maxaa bulshada Soomaalida ugu wacan hadaba dhego adkaanta :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tolow maxaa bulshada Soomaalida ugu wacan hadaba dhego adkaanta :

 

Soomaalida halkan UK iyo dalalka kale ee Yurub waa xad dhaaf sida uu Covid19 ugu dhacday siiba marka aad barbar dhigto tiradood iyo jaaliyadaha kale (other ethnic minorities) ooy ay uga  tiro badan yihin si xad dhaaf ah ay dhimashaddu iyo bukaan jiif kuba ay fajac galisay dawladaha, heyaddaha Caafimaadka iyo siyaasiyiinta,



si kastaba ha ahaatee xaalkaygu aad buu u foolxun yahay, sababta ugu weyn ee xusid mudan wa iyga marnba dhegah u raaricin digniintii iyo talooyinkii dawladaha, waciyigalintii heyadaha Caafimaadka.


Aniga se waxa Warer, walaac weyn igu hayaa hadii uu dalkii iyo guud ahaan a Geeska uu Saf-marka ku baaho, su'aashu wa::


Tolow  maxaa bulshada Soomaalida ugu wacan  hadaba dhego adkaanta :

1.sharci jebinta iyo kutumashada nidaamka. Sidoo kale xaq dhawrku ugu adag yahay.uguna badan yahay sharci daaqad kasoo galku",iyo qiimayan la'aanta naftiisa iyo ta dadka kaleba.

Tallow danta guud miyaanay fahmin in ay waxtar u leedahay

B. Maxaa ugu wacan- samir darida iyo degdega

C. Is  ixtiraaman la'aan, kala dambayn la"aan

Iyo ilaalin la'aanta nidaamka.

E. Magaallo joog xumada.. Bal u fiirso habka wada marista iyo xataa Haddii la is maan - dhaafo falcelinta.


Anigu si guud baan isu dul-taagaya una eegayaa,  waa uun maqaal sawir guud kabixinaya dhaqan ka iyo caadooyinka taban.ee dadkeena haday yihiin kuwo soo jireen ah iyo haday yihiin kuwo badan oo soo galooti ku ah dhaqankeenii aadka u hufnaan jiray. Cilmi baadhis iyo daraasad maan samayan, waa aragti waayo arag, ma sheeganayo xeeldheerinimo iyo aqoondheer, ila qaadaa dhig hadii aad wax ku darsanayso. Su'aasha ah tolow maxaa dadkeena ugu wacan


Dabeechadaha aan kor ku xusay

_Ma cimaladaa

_Cuntada .. Aafada Qaadka

_Shaqo la'aanta iyo iyagoon wax mashuuqliya haynin. camal la"aanta95%.

_Hooganka ha noqoto dhaqanka reer Miyi/Xoolo dhaqato ee aha:Iska celi iyo isla-toosin; iyo dabcan Siyaasiyiinta cayda u haysta af-la gaadho in lagu soo caan baxo...


*Markaad waydiiso una sheegto Cudurdka wawaabtu wa:

Wa qadar Eebbe, Ilaahay ii qorayaa,

B) kala Duruga bulshada (social distancing) oo muhim u ah ka hor taga cudurka, Soomaligu wuxu leeyahay wa sheeko gaalada ayad la timi.

Diinta Islaamka ee suuban waxay ina fartay in ay akhlaaqdu ugu mudan tahay cibaadda.


Gabgabo:

Bal fiirso Akhlaalaq iyo hab-dhaqan wanaag Musliinka wa dhidib weyn diinteen xanafiika ah:

Akhalaaq –  mannerism and commit.

Fikir toosan ila wadaag,

"Waan yaabana idinkuna dadyo ma ilayaabantiin".

Wax aynu ku jirnaa xaaladda adag Eebbe ha sahalo :

Gacaliye u tudh walaalka, dhegayso talooyinka Gudiyada ka hortaga Cudurka Covid19. Ilaahay ha ina barbar mariyo?

Wa bilaahi tawfiiq.

 

Tusan,

 Alxmadulilaahi cala ayti xaal

Mohamed Yusuf Abdillahi diirqadhaadh

. [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...