Min General Xudhuun Ilaa General Libaax! Xarunta Ciidanka Asluubta Ee Hargeysa Kuma Habboona Talis Ciidan Iyo Xero Ciidan Toonna!

0
Monday April 08, 2019 - 10:03:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Min General Xudhuun Ilaa General Libaax! Xarunta Ciidanka Asluubta Ee Hargeysa Kuma Habboona Talis Ciidan Iyo Xero Ciidan Toonna!

    Maqaalkan kooban waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo dhibaatooyin ka taagan goobta uu ku yaallo Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan kooban waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo dhibaatooyin ka taagan goobta uu ku yaallo Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland.

Waxaa hubaal ah in ciidanka asluubta oo ka mid ah ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay ciidan hawl fiican u haya dalka oo ammaan iyo bogaadin ku mudan addeegga ay ummadda u hayaan, sida maamulka xabsiyada, adeegga maxaabiista iwm. Taliyaha la beddelay General Xudhuun wax qabad badan baa lagu xusuustaa, iyo dhaliilo dhowr ah. Taliyaha la beddelay waxqabadkiisii xafladdii xil-wareejinta ayuu ku sheegay balse qaar ka mid ah wax qabadkiisu waxay noqon karaan togan iyo taban-ba (Kolba sida loo wajaho) sida berkedda biyaha ee uu ka qoday xarunta taliska oo biyihii ka jartay xaafado dhan iyo adeegyo kaleba oo beebku u soo dhex maro Ciidanka Asluubta. Taliye Xudhuun guud ahaan nin daacad ah buu ahaa, askari asal ahna wuu ahaa, balse 2 dhacdo oo waaweyn oo laaxin reebay diiwankana u galay aan idin xusuusiyo:

·Dhacdada 1aad waa hadalkii ma hadhada reebay ee uu xafladdii furitaanka xabsiga Burco ee Gobolka Togdheer 21/11/2018 xilli Taliyuhuu uu Mudana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdina warbixin ka siinaayey xabsiga la furaayey, kadibna agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda oo maamul ahaan ah Wasaaradda Ciidanka Asluubtu hoos tagaan uu is yidhi eray sixitaan ah taliyaha hadalkiisu ku xooji, balse taliye Xudhuun uu ka xanaaqay kuna jawaabay ”shut up”(naga aamus). Waxaa muuqaalkaas xagga dambe ka muuqday Taliyaha Ciidanka Asluubta General Fadal iyo Wasiirka Caafimaadka Xasan Ismaaciil oo ku qoslay hadalka intay yaabeen, balse ay malaha habboonayd inay muujiyaan fajac iyo amakaag (shock) halka ay ka qosleen. Waxaa la ogsoon yahay in agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee xilligaas Mudana Xuseen Maxamed Maxamud uu arrintaas daraadeed isu casilay in yar kaddib dhacdadaas yaabka lahayd.

·Dhacdada 2aad waxay ka dhacday xafladdii xil-wareejinta ee dhacday 02/04/2019, oo taliyihii Hore General Xudhuun xilkii ku wareejinaayey taliyaha cusub. Khudbaddii xil-wareejinta ee Taliye Xudhuun ku wareejinaayey taliyaha cusub wuxuu ku bilaabay "Waxaad ku celceliseen xilku waa meerto, balse waxaan idiin sheegayaa ninkan meesha loo soo magcaabay waa nin aannu isku hayb nahay!!!!!!!!!!!!!!!!!Amakaag iyo yaab iyo ashqaraar!!!! Hadalkaasi kolley mid meesha qabanaayey muu ahayn oo masuu’l sare ku hadlo, oo wuxuu u dhigan yahay in dadkan dhegaysanaayey xafladda uu taliyaha la beddelay u arkaayey nacab ku diganaaya oo leh lagaa raysay! isna uu leeyahay waxba ha farxina, ninkan isku beel baannu nahay oo waxba isma beddelayaan. Waxaa soo baxday cuqdad qabyaaladaysan oo ku huursan taliye Xudhuun.

·Taliyaha cusubna waxa la gudboon inuu ka fiirsado wax-kasta oo taliyaha hore kula taliyey, wixii fiicanna ka qaato, wixii ula muuqda inaanay munaasib ahayna iska dhaafo, oo uu maankiisa uun ku socdo. Isla markaasna ogaado in shacabku yahay kan uu dirayska u qaatay ilaalintooda ee aanay cadow ku ahayn, ciidanka uu xukumona aanay ugu kala dhoweyn hayb, balse ay u kala mudan yihiin siday ugu kala wacnaadaan shaqada loo igmaday.

Dhacdooyinkaas hor-dhaca ah kadib, waxa meesha taalla goobtan uu Ciidanka Asluubtu ka-dhigtay Taliska Guud inaanay haba yaraatee ahayn goob ku habboon talis ciidan, sababo macruuf ah dartood oo aanan wada sheegaynin, balse inta ugu yaryar ay ka mid yihiin:

·Ciidanka iyo Shibicka oo ay tahay inay kala-baxsanaadaan deegaan ahaan. Xero ciidan waa inay ku taallaa goob ka go’an kana durugsan deegaanka shicibka. Taas waxa loo sameeyaa sababo dhowr ah: Ciidanka oo discipline-koodu ku xumaado, amniga oo aan la sugi Karin, sirta ciidan oo fakata, shicibka oo cidhiidhi dareema iwm.

·Xaruntan hadda ee Ciidanka Asluubta ee Hargeysa waxay sannadihii ugu dambeeyey dhib weyn oo aan la soo koobi Karin ku haysaa dadka bukaan socodka ah ee adeegga u soo doonta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay ku beegan tahay Albaabka weyn ee Cisbitaalka laga galo (Main Gate). Dabadeedna Taliyihii la beddelay wuxuu bixiyey amar arxan darro ah oo ah gaadhi is taagi kara albaabka dhakhtarka iyo agagaarkiisa ma arki karo. Waxaad maalin walba arkaysaa askartii iyo shicibkii oo is haysta oo xitaa marar badan gacan ka hadal baa ka dhaca. Gaadiidka dadweynaha sida basaska iyo tagaasida ayaa damca inay dad rakaab ah oo cisbitaalka u socda oo bukaan socod ku jiro ku rogaan albaabka dhakhtarka, askartaa ku soo yaacda, "Soco, soco, waar soco, soco….ha is taagin!!!”dabadeedna waa dhibaato aan dhammaad lahayn.

·Xeradani ma laha waxyaalihii ciidan u baahnaa sida Garoonkii tababarka, baraakooyinkii ciidanku seexan lahaa, goobihii ciidanku kubadda ku ciyaari lahaa, xafiisyo ku filan, istoodho (Stores) iwm.

·Xilliyada qaar sida marka ay soo dhowaato xafladda 18ka May ee sannad walba, oo askartu soo badato – gobolladana ka timaaddo, waxaa sii korodha dhibaatada iyo culayska ay ku hayaan waddada wadnaha ee Caasimadda Hargeysa oo ay saxmad dheeraad ah ku noqdaan.

Xaruntan Asluubta ee haddu waxay ahaan jirtay Xafiisyo ay lahayd Hay’addii Hangash ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxayna si ku meel gaadh ah ugu xidhi jireen maxaabiista siyaasadda ee ay waraysiga iyo baadhista ku wadaan. Waxay ahayd xero aad u kooban oo 20 askari ugu badnaan joogaan. Hangash ka horna waxaan maqlay in goobtu ka tirsanaan jirtay adeegyada caafimaadka ee dalka.

Askarta Ciidanka Asluubtu marka la soo hadal qaado goobtu inaanay ku habboonayn Talis Ciidan oo ay habboon tahay in ciidanka meesha laga raro, iyagoo jeclaysanaya malafsiga magaalada inaanay ka fogaan, ayay ku doodaan "Qasriga Madaxtooyada ayaannu difaac u nahay”. Arrintaas wax badani kama jiraan, shaqadoodiina maaha, maaddaama ilaalada Madaxtooyadu tahay ciidan gaar ah oo aan Ciidanka Asluubta ka tirsanayn. Haddii loo baahdo taasna, waxaba habboon in Police la keeno.

Soo jeedin:

·Waxa ugu mudan in Xarunta Taliska Asluubta Laga raro Goobtan hadda, oo la geeyo meel magaalada ka baxsan, oo leh dhammaan wixii xero Talis ciidan u baahnayd.

·Waa in Goobtan Hadda Lagu wareejiyaaa Wasaaradda Caafimaadka si ay Cidhiidhiga dhismayaasha addeegyada Caafimaadka ee jira ay wax uga tarto.

·Haddii laga fursan waayo in xero-ciidan ay sii ahaatona waa in ciidan kooban oo ugu badnaan 30 askari ah oo weliba Police ah lagu wareejiyaa.

·Waa inaan Taliska Ciidanka Asluubta haddii la raro marnaba laga fikirin in la iibiyo Goobta oo Ganacsato xaaraan ah oo lacag la rooraysa lagu wareejinin. Taasi waa Dembi qaran oo wixii hore u dhacay baaba goor ay noqotaba laga daba-tegi doonaa. Xukuumaddda Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hadda arrintaas waa ka nadiif ee yaanay ku dhicin dabinkaas.

Wabbillahi Tawfiiq.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...