Af Jan-jeedha Lahayde Ka Jawaab Arimahan Hoos Ku Yaala ( Abdi-Shotaly). .

0
Tuesday April 28, 2020 - 09:32:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Af Jan-jeedha Lahayde Ka Jawaab Arimahan Hoos Ku Yaala ( Abdi-Shotaly). .

    Waxan saaka doonayaa in aan in yar ka qoro,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan saaka doonayaa in aan in yar ka qoro,
qaar ciiro isku qarinaaya, oo ku marmar-soodda waxa la duminayaa, wax ay ugu yeedhaan " Somaliland" oo gebi ahaan-ba ka soo jeedda 10% dadka ku nool magaca sare ku yaal ee Somaliland. waxa aan weydiin lahaa kuwaas, ceeryaanta ku dhex gabadda is leh " Horta ma jirtaa baa ka horeysa?" Laga soo bilaabo maalintii madoobayd ee 13/11/2017. Waa ayaantii sara jooga lagu gawracay, oo aad weliba sidaas sacabka ugu garaacay-saan, sababta oo ah askariga dheg-jeexaha leh siddii waxaraha yar-yar, waalan ee cuqdadda iyo xanuunka bilaa dawadda ah ee ka xun COVID-19 qaba ku taageera " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye". Adiga oo reer hebel ku daba ordaaya, baad cid kale ku sheegay-saan calaa-hakadda qabyaalad. Isma raacdo yaan waxa aanu walaaqa-nayno nala ka sheegin iyo sidaan doono aan u socdo, laba is qabta mahee ee doc isugu baydha. baydh layska jamcin maayo'e.

 

Af jan-jeedha lahayde ka jawaab arimahan hoos ku yaala. Ka burburiyey ee aakhiro u direy, hoos geeyey ka mareexaan " Daba-gaale Farmaajo" ee maalin kaste u dira-naaya Telefoonka, marna Xaramka kula balamaaya, kol Arda-Sababa ( Caasimadda Itoobiya) jilbaha ku qabsanaaya, baryo ka dhamaatay dawersi awgii,  Waa ayo aan is weydiino'e? Ma mucaarid baa? Mise waa khawalkan jaahilka ah, ee aad isku isir baanu ka soo wadda jeednaa, aad dabadda ugu ruxay-saan siddii lax oslaysa? Ma idinkaa Somaliland raba jiritaan-keedda? Oo haba-yaraatee dani idinka haysaa? Hadaad u damqanay-saan, oo meeli idiin xauunayso, waad is qaban lahaydeen, oo cadaaladda, wax wadda lahan-shaha, sinaanta, iyo wadda jirka ummadda baad u halgami lahaydeen. Yaan been la isku maaweelin iyo huuhaa aan jirin, waxa kaloo aan idin su'aalay. Dalkii iyo dadkii wadda socday, ee Madax-Weyne Daahir Riyaale Ku wareejiyey Ururka Jeegaanta ee isku magacaaba " Qudhmiye" Xagee buu ku dambeyey? Oo uu jaan iyo cidhib dhigay? Saaka halkuu ku kawiran yahay ee laga doonayaa?

 

Akhristaw Yaa kala eryey? Ummaddii isku tiirsanayd, laga soo bilaabo inta u dhaxaysa Lawya-cado ( waa xadka jabuutiye) Iyo Geedka la yidhaaho "Garac-lagu-dhal" ee ay marto Xuduuddii talyaaniga iyo Booqortoo-yadda Ingiriiska u dhaxaysay? Yaa isugu direy beel beel? Ii sheega oo yaa Gobolo dhan bixiyey? Meeday Sanaag Bari? ( Waa Warsan-geliye) Yaa Eryey hadh cad? Miyaanu ka ah inaadeerkii ee la yidhaaho " Nuux Mijo Baasto" Si toos ah u fasaxin? Oo aanu odhan ha iska tageen? Weliba ku darin qaar kale-na ha raaceen? Isaga oo ku dhego hadlaaya ( Dhulbahante). Buuhoodle waxay u kala qaybsa-nayd Somaliland iyo Puntland, hadeer saw may hoos tegin, isuguna biyo shuban Majeerteenka Puntland ka amar-ku-taaleeya? Oo maamul-koodu si rasmi ah ugama taliyo? Mee Gobolkii ugu cilmiga badnaa iyo beeraha ee " Awdal?" Imisa jaabha-doodda baa ka dilaacay Goboladda Sanaag, Awdal, Sool, Buuhoodle? Ceel-Af-weyn yaa dagaalka ka bilaabay? Saw markii Qudhmiye yimi maaha? Yaa cabudhinta saxaafadda ee beelaysan ku xidh-xidhay weriya-yaashii Samaroon, Arab iyo Garxajis? Sidda weriya-yaashii Hadhwanaagnews, Coldoon, Mukhtaar Cali Adan. Cabdirasaaq Teera iyo qaar kaloo badan? Saw reer hebel bay ka soo jeedaan looma haysto?Mise denbi kale bay galeen? In ka badan 100 ka soo jeedda Jeegaanta ( weliba Galbeed) baa waxay doonaan ku hadla, lamana xidh-xidho saxaafa-doodda, ee maxay ku dhacday? ( sababtu waxa weeye reer hebal kama mid aha) Yaa albaabaddii Cadaaladdii arjumay? Baarlamanakii, Guurti ku sheegtii dhaameelka siiyey? Yaa laa luushay Komishan ku sheeggii? Yaa dejiyey dadkii looga shakisinaa COVID-19 daanta Mataanaha  iyo boorame? Yaa dan yartii dhul-kooddii boobay? Ee maalin kaste ka uurka kuusan leh "MR Carfaaye" Waa ka dawladda hoose ku sheegta Hargeysa, uu u dhiibtay askariga magnuunka ahiye? Waxan ku soo xidhay qoraalkan, ka wax ka qabaw ka soo jawab su'aala-haas aan sare ku soo taxay, inta aad nac-nacdda joojiso, oo cadaan isu keen cadceedda hoos-teedda, inta aad ka soo baxdo gudcurka aad ibriiqa kaga adimaysid, adoo uurka reer hebel ku haysta, afka wax kale ha ka sheegine., ama af-kaaga xun xidh ( Keep your fucking mouth shut) Wax ku hadli maysaane?

* N.B Isma Raacdo Wax Baa Nala Ka Sheegay Iyo Aan Sidaan Doono U Socdo".

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...