'' Baanka Ayaan Lacagta Dhigtaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday April 28, 2020 - 09:12:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Baanka Ayaan Lacagta Dhigtaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    " Maxamed yarre wuxuu ka yimi qoyskooda oo reer miyi ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Maxamed yarre wuxuu ka yimi qoyskooda oo reer miyi ah"


Maxamed yarre wuxuu ahaa wiil-yar oo kabo-caseeye ah amaba balaashle ah qofba sida uu u yaqaano , waxaanu nolol maalmeedkiisa ka deberi jirey shaqadiisaa baalashka , habeenkiina waxbuu baran jaray .

 

Maxamed yarre , waxaanu isku baranay Maqaaxidda diyaaradda loo yaqaano ee badhtamaha suuqa Hargaysa , sanadihii 2011-2012 oo aan casarkii maqaaxidaa ka shaahi jirey inta badan .

 

Maxamed yarre wuxuu ka yimi qoyskooda oo reer miyi ah oo degen Gobolka Togdheer miyigiisa , isagoo aad u da yar , xilagaa aanu is baranay oo aanu saaxiibnayna dadiisu waxay ahayd 12 ilaa 13 jir , waxaanu ahaa wiil niyad fiican , farxaana oo aad u dadaalayay .

 

Galab galbaha ka mida ayaanu maxamad yarre sheekaysanay , waxaanan waydiiyay halka uu dhigto lacagta , ka dibna wuxuu igu yidhi laba dukaanada ayaan u dhiibtaa , markaasaan hadana u celiyey oo biluu kaaga murmaa markay lacagtu kuu badato , markaasuu iigu jawaabay hadana , laba dukaan ayaan lacagta midba in u dhiibtaa , ka dibna hadba marka ay ii gaadho 50 kun ayaan ka qaadaa , dabeeto Bankiga dhexe ee Somaliland ayaan dhigtaa oo aan Account ku leeyahay .

 

Wiilkaas yar ee Baalash laha ahaa , ee Bankiga dhexe xisaabta ku lihi waxay cadayn buuxda u tahay , koritaanka ilbaxnimadda iyo xadaaradda bulshadda , sidaa darteed , siyaasiyiinta waawayn iyo dadka umadda wax u sheegga waxaan ku baraarujinayaa in ay la socdaan wacyiga dadka kuna xisaabtamaan halka uu marayo fikirka maanta ee bulshaddu .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...