Wariye Coldoon Oo Shaybaadh Lagaga Soo Qaaday Jeelka Weyn Iyo Xaaladiisa Caafimaad Oo La Hubinayo.
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaybaadh ka qaaday suxufi Cabdimaalig Muuse Coldoon oo ku xidhan xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.
Warar rasmi ah oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in hawl wadeeno ka socda wasaarada caafimaadka somaliland ay jeelka weyn ee Hargeysa shaybaadh kaga soo qaadeen wariye Coldoon, kaas oo la baadhayo xaaladiisa caafimaadka iyada oo si gaar ahna looga shaybaadhayo xanuunka Coronavirus ka dib markii lagu arkay calaamado uu ka mid yahay qufac.
Wasaarada caafimaadka ayaa la filayaa inay soo hubiso xaalada caafimaad ee wariye Coldoon, iyada oo si guud loo baadhayo xaaladiisa isla markaana laga hubinayo xanuunka Coronavirus maadaama oo lagu arkay calaamado qufac iyo cuno xanuun ah.
Dhinaca kale warar soo baxaya caawa ayaa sheegaya in wariye Coldoon ay xaaladiisu isbadashay isla markaana uu ku batay qufacii isla markaana xumid dheeraad ah lagu arkay, waxaana la dhawrayaa talaabada ay xukuumadu qaado.