Muqdisho:-Wasaarada Caafimaadka Oo Shaacisay Dad Xanuunka Covid-19 Ugu Geeriyooday Cusbitaalka Martiini

0
Monday April 27, 2020 - 15:38:05 in News by
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Wasaarada Caafimaadka Oo Shaacisay Dad Xanuunka Covid-19 Ugu Geeriyooday Cusbitaalka Martiini

    Muqdisho:-Wasaarada Caafimaadka Oo Shaacisay Dad Xanuunka Covid-19 Ugu Geeriyooday Cusbitaalka Martiini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Wasaarada Caafimaadka Oo Shaacisay Dad Xanuunka Covid-19 Ugu Geeriyooday Cusbitaalka Martiini

Muqdisho(HWN):-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay habeenkii xalay 9 bukaan ugu geeriyoodeen cudurka Coronavirus gudaha magaalada Muqdisho.
Image may contain: 1 person, indoor


Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay bukaanada geeriyooday inay u badan yihiin kuwa isbitaalka Martiini la geeyay iyagoo garaab ah oo lagasoo qaaday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.


Warbixinta wasaaradda waxaa lagu xusay in haddii dadkaas la keeni lahaa waqti muhiim ah isbitaalka Martiini in la badbaadin karay, balse ay tahay nasiib darro markii isbitaalada gaarka ah wax looga qaban waayay in loola soo cararo isbitaalka Martiini.


Wasaaraddu waxay uga digtay isbitaalada gaarka loo leeyahay inay xarumahooda ku hayaan dadka qaba cudurka Covid19, waxayna ku wargalisay haddii ay la kulmaan bukaan leh astaamaha cudurka in ay si degdeg ah ugusoo gudbiyaan hay’addaha caafimaadka dowladda.


Waa tiradii ugu badnayd ee 24 saac gudaheed ugu geeriyoota cudurka Coronavirus, waxaana tirada guud ee dhimashada cudurka ay maraysaa in ka badan 30 ruux.

Loading...
Loading...