Taliye Xijaar Iyo Najiib Carab Yaa Maanta Mudnaa In Xilka Laga Qaado?

0
Monday April 27, 2020 - 10:04:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Xijaar Iyo Najiib Carab Yaa Maanta Mudnaa In Xilka Laga Qaado?

    Subax-nimadii hore ee saaka waxaa Page-ka Facebook ee Taliska Ciidamada Booliiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Subax-nimadii hore ee saaka waxaa Page-ka Facebook ee Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya la soo dhigay in Taliyaha Degmada Boondheere Najiib Carab uu ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Dambiilihii ka dambeyay Dilka Labo Ruux oo shacab ah oo xalay ka dhacay isgooska Jubba ee Muqdisho.


Waxaana Taliska Booliiska Amaan iyo Bogaadin u direen Taliye Najiib maadama uu howl loo baahnaa uu qabtay lkn Saacado ka dib maxaa dhacay?



Dibad baxyo xoogaan oo Magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu sheegay in Taliye Najiib Carab oo ahaa Taliyihii booliska ee Degmada Boondheere xilka laga qaaday iyadoo xil ka qaadistiisa loo sababeynayo shaqaaqadii xalay ka dhacday Degmadiisa taasi oo ah arin layaab leh maadama uu Taliyaha uu gutay waajibaadkii ka saarnaa dhacdadaasi oo uu soo qabtay gacan ku dhiiglihii.


Aragtideyda Taliye Najib waxa uu ahaa Taliyaha kaliya ee Degmada uu maamulayay si wanaagsan ula dhaqmayay shacabka inta uu bandowga socday mana mudnayn Xil-ka qaadis ee wuxuu mudnaan bogaadin iyo abaal marin sidii saakaba Taliska Bolisku ugu mahad celiyey, lkn Soomaalida ayaa horey ugu maah maahday Miskiin ayaa miska la fuulo leh halkii la rabay in Taliyaasha waa weyn ay Xilkooda kuwaayaan wixii Magaaladan maanta ka dhacay ayaa waxaa lagu saan tirsaday Taliye Booliis Degmo oo aan waxba galabsan.


Hadaba marka la fiiriyo wixii maanta ka dhacay Magaaladan waxaa mudnaa in xilka laga qaado Taliye Xijaar maadama uu ka mid yahay Dadka go'aanka ka gaaray Bandowga Magaaladan la saaray si ugu yaraan Dadka Shacabka ah ay u qancaan in dhibkii dhacay uu ku baxay qof weyn oo miisaan leh.

Cadaalada ha shaqeyso


AbdiFitah Macalin Nur Qeys

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...