Sababta ay Raggu ugu bateen dhimashada Coronavirus

0
Monday April 27, 2020 - 09:53:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta ay Raggu ugu bateen dhimashada Coronavirus

    W/Q: Kamaal Axmed Cal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Axmed Cal


Sida ka muuqata tirakoobyada dalalka kala duwan ee adduunku ka soo saarayaan muwaadiniintooda u dhintay xanuunka COVID-19, dadka dhintay waxaa ugu badan ragga.  COVID-19 oo keliyana ma’aha ee xitaa Fayrasyadii hore adduunka u soo maray ee la qoyska ahaa coronavirus, oo ay ka mid yihin SARS iyo MERS labadaba cidda ugu badan ee u dhimanaysay ragga ayaa ay ahayd.



Xeeldheereyaasha caafimaadku ay oo baadhis ku sameeyey sababta jinsigu muhiimka ugu noqday waxyeellada uu Coronavirus geysanayo, ayaa sheegaya in sababaha keenay in raggu noqdaan dhibbanaha ugu badan ee ‘COVID-19’ ay ka mid tahay:


1. SIGAAR NUUGISTA OO RAGGA KU BADAN.

Sigaarku waxa uu dilaa caafimaadka sambabada, xanuunkanina sambabada ayaa uu weerarana. Iyada oo sida oo kalana uu sigaarku daciifiyo daciifiyo habdhiska difaaca jidhka, taas oo ah sabab kale oo qofka u nuglaynaysa waxyeellada ka dhalata Coronavirus.


2. KHAMRIGA IYO MAANDOORIYAHA OO RAGGA KU BADAN:

Khamriga iyo guud ahaan isticmaalka maandooriyaha oo la ogyahay in uu dilo habdhiska difaaca iyo beerka, ragguna ay isticmaalkooda aad ugaga badan yihiin dumarka, ayaa iyadana ay xeeldheereyaashu ku dareen sababta.


3. KULAMADA DADKA BADAN AH OO RAGGU U BADAN YIHIIN:

Sababta kale ee ay khubaradu sheegeen waa ragga oo caadi ahaan dumarka kaga badan meelaha dadka badani isugu yimaaddaan, gaar ahaan suuqyada taasina ay sabab u tahay in uu cudurku si sahal ah u soo gaadho.


4. HABDHISKA DIFAACA JIDHKA EE HAWEENKA OO ABUUR AHAAN KA AWOOD BADAN KA RAGGA:

Dr. Marcia Stefanik oo bare sare oo caafimaadka dhiga ka ah jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka ayaa wargeyska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka u sheegtay in habdhiska difaaca ee dumarku uu marka horeba ka awood badan yahay habdhiska difaaca ragga. Taasina ay tahay sababta uu jidhka gabadhu si degdeg ah ula falgalo daweynta iyo tallaalka, sidaas awgeed ay si dhaqso ah uga bogsan karto xanuunka.


Dr. Marcia waxa ay sheegtay xilliga uurka in jidhka gabadhu uu la qabsado la dagaalanka Fayrasyada iyo bakteeriyada, maadaama oo uu jidhkeedu muddo 9 bilood ah sido asiidhda bu’eed ee ilmaha, kuwaas oo jidhka hooyadu in uu ilaaliyaa ay qasab tahay.  Muddadaas ayaa uu jidhka gabadhu ku tababartaa iska caabbinta weerarrada dibadda kaga imanaya.


Waa kale oo sababaha ka mid ah Koromosoomada (Chromosomes) gabadha oo ka awood badan kuwa ragga, maadaama oo uu ninku sido Koromasoomo ah X iyo Y, halka ay gabadhu ka siddo X iyo X, sida la ogyahayna Koromasoomka X uu ka kooban yahay 9 boqol oo hiddeside, taas oo saddex laab ka badan hidde sideyaasha koromosoomka Y.  Hidde sideyaashaas oo intooda badani xidhiidh la leedahay shaqada difaaca jidhka.


Arrintani waxa ay muujinaysaa in gabadhu ay leedahay hiddesideyaal kuwa ragga ka badan oo ka qaybqaadata xoojinta habdhiska difaaca.

 

W/Q: Kamaal Axmed Cal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...