Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 4aad

0
Monday April 27, 2020 - 09:46:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 4aad

    Waa ayo cidda soonku ku waajiibayo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa ayo cidda soonku ku waajiibayo?

 

§  Qofka Muslinka ah

§  Qofka qaan-gaadhka ah, ( qof aan qaan-gaadh ahayn waajib kuma aha soon, se haddii uu karayo loo diidi maayo)

§  Qofka maskax ahaan caafimaadqaba. (qofka maskax ahaan xanuunsanaya ee soomaya isna loo diidi maayo haddii uu doono in uu soomo)

 

§  Qofka jidh ahaan caafimaadqaba (qofka da’da ah, qofka xanuusanaya iyo haweenayda uurka leh ama jaqsiinaysa iyaga soon laguma laha)

 

Goorma ayaa la  soomayaa, maxaa se laga rabaa qofka soomaya?

§ In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi ; haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystira.

 

§ Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay; camal dhammaantii waa niyadda

 

§ In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).

 

Maxaa sunne ah?

§  In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW waxa uu lahaa,"Qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha inuu sooman yahay iyo in kale.” Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, "Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soonkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow

 

§  In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW waxa uu yidhi,"Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan.

 

§  In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican, se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta.

 

Maxaa soonka jabiya?

§  In aad diinta ka baxdo. Waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan. Waxaana looga baahan yahay in uu dib u islaamo

 

§  In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo

§  In gabadhadhiigga caadadu ka yimaaddo

§  In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaahdo; maan iska jabiyaa)

§  In aad si ula kac ah iskaga hunqaaciso

§  In aad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si ula kac ah

§  In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: [email protected]

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...