Duullaanka Dubaabku Ku Qaadi Doono Xertii Mirqaanka!

0
Monday April 27, 2020 - 09:44:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duullaanka Dubaabku Ku Qaadi Doono Xertii Mirqaanka!

    WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

Qaadku waxa u kordhiyaa socodka dhiigga. Marka ay joojiyaan dadka qabatimaa waxa ay arkaan firfircooni la’aan, caajis iyo wahsi. Xilliga hurdada waxa u muuqda male-awaal kala geddisan, dhiigga ayaana hakada/guntama. Mid wuxuu arkaa sariirtii oo dhulka hoostiisa ku sii socota, markaasuu kor u boodaa. Mid ayaa ku riyooda jiirar dabada kaga xeroonaya ama bisado, kolka uu qabo is dhaho waa sida ay sheegeene dabada ayaa u go’da "nam nam”. Waar iga daaya baa ka dhacda.



Kii ugu darnaa waxa uu ahaa ka yidhi Habeen baan ku riyooday iyada oo labadaydii lugood midna Gacanta ama kaalinta siddeedaad la dhigay, midna dhinaca kale ee laamida. 2001 bay ahayde wuxuu yidhi garandeyaal, basas, mark 2 waxbaa kolba igu xerooda. Markii dambe ayuu soo maray gaadhigii Ina Qoti oo xaabo sidaa.


Markaasaan qayliyay "waar iga daayaay”, hayaay, wuu cararay” Gaadhigaasi wuxuu ahaa nooc gaar ah waxa garan kara dadkii qaxoontiyada Itoobiya joogay. Mar haddii qaadkii la joojiyay, habeen dambe dubaabki wuxuu weerar ku soo qaadayaa dad badan oo Somaliland jooga..


Dadka la hurdaa yaanay u arki dad waalan, khafiifay ama wax u dhiman yihiine, ragga ha laga rido riyadaas xun ee heli doonta, kor bay u boodi doonaan, way isla hadli, hadri oo wax la fahmo odhan waayi doonaan…

 

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...