Falanqayn Sharci:-Dunida Maxaa uga Yaalla Haddii Qaran Kale Weerar Ku Soo Qaaddo Maalgashadde Dalkaaga U Dhashay (Case Law)
Hargaysa(HWN):-Waxaa Maalmahan Wararka ku jirtay in Dawlada Djibouti ay Somaliland u soo gudbisay Dacwad ka dhana Ganacsadaha weyn ee reer Somaliland Axmed Cismaan Geele, kana soo dalbatay in loo Gacan Galiyo ama loogu fuliyo Xukun ay soo xukumeen Maxkamadaha dalka Djibouti. Hadaba Dacwada Axmed Geele waxaynu ku salayn doonaa sharciga loo yaqaano CASE LAW.
CASE LAW gu waa mid ka mid ah Shuruucda Dalalka Duniddu adeegsadaan, inta badana waxa loo adeegsadaa Dacwadaha aan Maxkamadaha Dalkaa hore u soo marin ama Shuruucda Dalkaa u taalaaaanay si fiican u qeexayn, Xukunkana waxa lagu saleeyaa oo la tixraacaa Dacwaddo noocan oo kale ah oo Dunidda horeu soo maray iyo go’aanadii laga qaatay Inta aynaan u galin maqaalkeenan dulucdiisa hadii aynu marka hore sharaxaad kooban ka bixino waa kuma Axmed Cismaan Geele.
Axmed Cismaan Geele waa Mulkiilaha Warshadaha Coca-Cola Somaliland, Warshada Caanaha ee LIS, Warshadaha Sharaabka ee MIIRAN iwm, waxaa kale oo uu soo wadaa Warshado kale oo badan oo qaarkood laga yaabo in Sanadkan ay shaqada bilaabaan. Waxaana aynu odhan karnaa Dalkeenii ku tiirsanaa wax dibada laga soo dajiyo, waxaa uu u horseeday Dariiq cusub oo ah in lagu isticmaalo waxyaabaha dalka lagu farsameeyo.
Axmed waxaa uu Dalkan ku maalgashaday Hanti gaadhaysa Boqolaal Milyan oo Dollar ka Maraykanka ah, Maalgashiyadaa uu sameeyayna waxaa ka Faa’iiday Tobanaan kun oo Qof oo toos Shaqaale uga ah iyo Boqolaal Kun oo kale oo si dadban uga faa’iida tusaale ahaan Qoysaska ay ka biiliyaan Shaqaalahaa tooska ahi Mushaharooyinka uu siiyo, Beeralayda uu warshadihiisa uga iibsado Dalagyada ay soo saaraan, ilaa Qofka Tukaanlaha ah ee kasii daba faa’iidaya iibka waxyaabaha lagu farsameeyo Warshadihiisa.
Waxaa jirta in Dawladaha Aduunku inta badan iskaga horyimaadaan Dagaalo ay ka mid yihiin Dagaalka Cilmiga oo lagu tartamayo Horumarinta Cilmiga, Dalkastaana ku fikiro sidii uu u heli lahaa Shay uu Dal kale Ikhtiraacay oo uu u baahan yahay, kharash badana wuxuu ku bixiyaa siduu cilmiga loo adeegsaday ku heli lahaa, sida Cilmiga Hubka oo kale, waxaa kale oo jira Dagaalka technology ga sida (Isgaadhsiinta) oo aad in badan maqlayso Dal hebel ayaa u dhacay ama jabsaday Computerada Dal hebel ama Dhagaystay Taleefanooda, oo Mararka qaar aad arkayso Dalal saaxiiba ama Xulufo ah oo cabashadani dhextaalo.
Sidoo kale dagaalda ugu caansan waxaa kamida Dagaalka Ganacsiga Ama Dhaqaalaha (Trade War) oo ku jira kuwa ugu khatarsan, oo ah Dagaalka Dawlada Djibouti ku soo qaaday Dalkan Somaliland, waxaana la ogaaday Qarankasta inay awoodiisu tahay inta dhaqaalihiisu yahay, iyada oo xafiiltanada ugu badanina ay dhexmaraan Dawladaha jaarka ah ee tartanku ka dhexeeyo.
Kiiska Ms.Meng (Sabrina Case)
Dagaalka Ganacsiga ama Dhaqaaleha Noocyadiisana waxaa ugu caansan in la weeraro Dalka Maalgashadeyaashiisa ama Ganacsatadiisa, waxaana aynu tusaale u soo qaadanaynaa Kiiska Gabadha Chinese ka ah ee Sabrina Meng Wanzhou oo ah Madaxa ugu sareeya ee shirkada Telefonada Smart Phones ka samaysa ee HAWAII.
Shirkada Hawaii Technologies Co.Ltdwaa mid kamida shirkadaha ugu caansan ee soo saara Telefoonada Gacanta ee casriga ah (Smart Phones), taas oo tartan Ganacsi kula jirta shirkadoha dhigeeda ah ee ku yaala dalka Maraykanka sida shirkada Apple ee soo saarta telefoonada Iphone.
Hadaba 1/12/2018 ayaa Ms. Meng Lagu xidhay Dalka Canada, iyada oo xadhigeeda sabab looga dhigay Dacwad ay ka gudbisay Dawlada Maraykanku taas oo ku eedaysay inay ku xad gudubtay shuruuc Caalami ah sida International Copyright Treaties iyo kuwo kale, sidoo kale dawlada Maraykanku iyada oo adeegsanaysa Xeerka Isu Gudbinta
Dambiilayaasha (Extradition Laws) ee ka dhexeeya iyada iyo Canada ayaa waxay codsatay in loo soo gudbiyo Ms.Meng.
Markii Xadhiga Ms. Meng soo baxay waxaa aad uga cadhootay Dawlada China oo sheegtay inuu yahay Dagaal uu Maraykanku ku soo qaaday Ganacsatadeeda, si uu u hagardaameeyo Horumarka Dhaqaale ee xawliga ku socda ee Dawlada China.
Intaa ka dib Dawlada China iyadoo ka jawaabaysa Dagaalkaa lagu soo qaaday Maalgashadayaasheeda waxay xabsiga u taxaabtay Laba Diblomaasi oo Canadian ah, oo ay ku soo eedaysay Basaasnimo xukunkooduna isugu jiro dil iyo xabsi daa’in, waxaanay Dawlada Canada si aan gabasho lahayn ugu sheegtay in hadii ay Ms. Meng u gudbiyaan Maraykanka inay iyaguna xukunka ku fulin doonaan labadaa Nin.
Dacwada Al Amoudi (Al Amoudi Case)
Waxaa kale oo aynu tusaale u soo qaadanaynaa oo si fiican uga fahmaynaa sida Dawladuhu u ilaashadaan Maalgashadayaashooda iyo Ganacsatadooda kiiskii Ganacsadeha wayn ee dalka EthiopiaMohammed Hussein Al Amoudi oo ah nin ay iska dhaleen Aabe Carab ah iyo Hooyo Ethiopian ah kaas oo maalgashiyo waawayn ka fuliyay Ethiopia waana Mulkiilaha Sheraton Adis-Ababa. Dawlada Sacuudiga ayaa dalkeeda ku xidhay Al Amoudi Bishii November 2017. iyada oo ku eedaynaysa Musuqmaasuq la leeyahay waxaa uu ku sameeyay maalgashiyo uu ka fuliyay Dalka Sacuudiga oo la xidhiidha dhinaca Caafimaadka.
Hadaba safar uu ku tagay Dalka Sacuudiga Raysal Wasaareha Dalka Ethiopia Abi Axmed oo ah nin dhalin yar ah oo ay ka go’an tahay Horamarka Dalkiisu kana dhabeeyay balamihii uu qaaday, ayaa wuxuu kala hadlay Dalka Sacuudiga sii daynta Ganacsade Al Amoudi isaga oo kula gorgortamaya danaha u dhexeeya labada Dal una sheegay inaanu sinaba u ogolaanayn xadhiga Ganacsade Al Amoudi oo maalgashiyo badan ka sameeyay Dalkiisa, ugu dambayna 27 January 2019 ayaa laga soo daayay Xabsiga Ganacsade Mohammed Hussein Al Amoudi.
Waxaa kale oo ay indhaha fayo qabaa arkayaan in arinkan iyo Dacwadan Baadilka ku salaysan ee lagu soo weeraray Axmed Cismaan Geele aanay ahayn mid ku kooban isaga Shaqsiyadiisa, Qoyskiisa ama Qabiil gaara ee waa arin Qaran, oo hadii lasoo weeraro maalgashade isaga oo kale ah, sida imika muuqata waxaa lasoo weeraray qaranka Somaliland, Dunidan imikana waxaa caanka ah waxa layidhaa Dagaalka Ganacsiga (Trade War), Dagaalada ka dhexeeya Dawladuhuna maaha Dagaal xabad la isku adeegsado oo kaliya.
Hadaba kiisaskan aynu halkan ku soo qaadnay iyo qaar kale oo badan waxaa laga fahmayaa in maalgashadahu meel sare kaga jiro Aataarta Muhiimka ah ee uu Qaranku leeyahay iyo sida ay muhiim u tahay in Qarankaasi uu u ilaashado hadii lasoo weerarana uu Dagaal ka xigo.
Waxaa dawladeena la gudboon inay fahamto Dagaalka ay la gula jiro Dawlada Djibouti, talaabooyinka loo baahan yahayna ay ka qaado.
Garyaqaan. Ahmed Ismail Mire