Ma Waataad Jabuuti Iyo Khadraba Waydaabaa…BY Axmed Xuseen Cali

0
Sunday April 07, 2019 - 20:23:59 in Articles by
  • Visits: 2254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Waataad Jabuuti Iyo Khadraba Waydaabaa…BY Axmed Xuseen Cali

    Ma Waataad Jabuuti Iyo Khadraba Waydaabaa…BY Axmed Xuseen Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Waataad Jabuuti Iyo Khadraba Waydaabaa…BY Axmed Xuseen Cali


Muuse Markii la dhaarinayay waxa ina seegtay in aynaan Kitaabka ku dhaarinin’e lagu yidhaahdo, ma waataad jabuuti iyo Khadraba waydaabaa in aad Dalkaaga iyo Dadkaaga Daacad u ahaanayso, sidaa waxa aan u idhi, markii la yidhi afhayeenkii Madaxwaynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlaya, Arintii u dhaxaysay Ganacsade Axmed Cismaan iyo Bangiga ay wada leeyihiin Faransiiska iyo Jabuuti , kaas oo Afhayeenka uu egmaday sheegay, in xisaabta iyo lacagta u dhaxaysa Axmed iyo Baanku ay wax u dhimayso Ictiraafdoonka Somaliland, Dalkana aan lala soo geli Karin Dhac iyo Tuugo.



Wada aragnay in Af Dawladeed iyo Af Madaxwaynaba meeqaam belay, waxa lala shiryimina noqday warsheekadda habarta Badraamadda ah ee Jabuuti iyo Odaygeeda, taasina ay cadaysay in Muusana ahaa Afhayeenka Khadra Xayd, warbixintaa markii aan dhagaystay, waxa aan ka fahmay laba arimood oo kala ah qiil banaysi ah qabashada Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Dulmi gargaar uu kula safanyahay Qoyskii Yayda ahaa ee dhacay Axmed Cismaan Geelle, waxa kale oo ka muuqatay sagagarnimadda iyo warla’aanta ka haysata Sifaha iyo nidaamka ay Ganacsatadda iyo Baananku wax u kala qaataan, taas oo Reer jabuuti iyo aanay ka war la’ayn sida Caasha qushiduba ay u ogtahay in qofka ay lacag amaahinayso damaanad ka haysato.


Dhawaaqa af mugii lagu yidhi Ninbaa bangi iyo Dawlad lacag kala soo baxsadayna waa bahaayinimadda halkii uugu danbaysay, hadaba qofkii Muuse tuhunsanaayoow meeqaamkiisu waa ka caynkaas ah, Cadaalad iyo daacadnimona halkaa ka jooga ogowna in Axmed Cismaan Xoolo Muuse leeyahay iyo cid kale toona haysan, mana jirto lacag uu Dalkiisa iyo mid kale toona kasoo dhacay, laakiin wax ka yeedhsiisay Axmed baa lacag soo dhacay waa hiilka uu ugu jiro qoyskii Axmed iyo islaamkale oo badanba soo dhacay, kuwaas oo markii ay hantidiisii Guurto iyo ma guurtaba dhaceen uu lafihiisii kala soo baxsaday. Waxa ay maanta ka doonayaana xoolo ma ahee waa in ay ku xabaalaan halkii ay Dadkii horeba ku xabaali jireen, sida Ibraahim Dheere, Juujuule iyo kuwo kaleba. cidda xoolo ka maqanyihiina Bangi Faransiis ma aha, Jabuutina ma aha, Muusana ma aha’e waa Axmed Cismaan Geele hadana Cadaalad daradu waxa ay maraysaa in Ninkaa la dhacay hadana lasii daydayo lana eedeeyo !!! Waa yaab .


Tix uu lahaa Cali dhuux waxa ka mid ahaa wax aad Adigu meehaahatiyo maleba beenawye wax aad maagtay mawdbaa sokadda kaaga soo mariye, waxa aan kusoo gabagabaynayaa, Madaxwayne Muuse Alle hortiina ma eegin Somaliland iyo Degganaanshaheedana ma eein, Xidhiidhkii wadamadda Caalamiga ah iyo ciddii kale ee Dalkan maalgashan lahydna muu danaynin, Allahayoow sida Muuse damacsanyahay Somaliland ka badbaadi.


Dadwaynahana waxa aan leeyahay Muuse saqiirye Idinkuna ha raacina oo Soomaaliland Ilaashadda Idinkoo Jabuuti Diiddana ha u hiilinina oo sida ay u doonayso iyo isku dhaciina ha ka yeelina.

Talana Allaa Leh.


Professor, Axmed Xuseen Cali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...