Xukuumada Somaliland Oo La Wareegtay Gaadhi Jaad Siday
Talaabadan ayaana noqonaysa talaabadii ugu horaysay
Hargaysa (HWN) Go'aankii joojinta qaadka ee Xukuumada Somaliland ayaa saaka si rasmi ah u dhaqan galey, Badhasaabka Gobolka Hawd Yaasin Shide oo kaa shanaaya Ciidamada Qaranka ee Gobolka Hawd ayaa gacanta ku soo dhigey gaadhi qaad sida oo Ah nooca loo yaqaan VX oo ay leedahey Shirkada qaadka ee FF, waxeyna dawladu la wareegtey gaadhigii iyo qaadkii saarnaaba.
Joojinta Qaadka ee Somaliland laga joojinayo muddo cayiman ayaa ay ku heshiiyeen xukuumada Somaliland iyo ganacsatadda keenta qaadka, sida ay sheegeen gudida la dagaalanka cudurka Coronovirus ee uu gudoomiyaha uyahay madaxwaynaha Somaliland.
Talaabadan ayaana noqonaysa talaabadii ugu horaysay ee xukuumadu qaadi intii uu hirgalay mamnuucida qaadku.
Loading...
Loading...