'' Jaadka Yaa Joojin Karra '' .

0
Sunday April 26, 2020 - 10:42:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Jaadka Yaa Joojin Karra '' .

    waa maxay sababtu ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa maxay sababtu ?


Caleenta jaadka wadamada Itoobiya la jaarka ah lama geeyo sidda Ereteriya , Soodaan , South sodan , wadamadaa jaarka iska daaye xitaa lama geeyo Itoobiya qaybo ka midda , sidda Maamulka Tigrey iyo Amxaaradda , waa maxay sababtu ?



Ma bilaa ganacsataa , ma shirkaddo jaad keeni karra ayaan joogin ma jaadkaa ka mamnuuc ah .

Maya intaas oo dhamiba ma jirto , meel walbana ganacsato macaash doona oo shaygii gadmaya keeni kartaa way joogtaa laakiin dadka dhulkaas ayaan jaadka cunin , kol hadii aan jaadka cid cuntaa joogin jaad cidina ma gayso .


Sidaa markay tahay , xeerka koobaad ee ganacsiga xukumaa waa labadda qodob ee kala ah , Dalab iyo Buuxin , marka dalabka ama baahiyi jirto , qasab waxaa ah in dalabkaa buuxintiisu timaado .


Sidaa darteed , jaadka cidda inoo keenta waa inta cunta , Iibka jaadka , macaashka jaadka iyo cashuurtiisana iyagaa bixiya , shirkaduhuna kama duwana baabuurta fududaysa jaadka daad gurayntiisa , markay sidaa tahay , waxaynu ku waaninaynaa dadka jaadka cuna , walaalayaal qof walaboow ogoow jaadka in aad tahay qofka joojin karra , waayo hadaad joojiso intaad cuni jirtay qaybtaadii waad joojisay , hadii dhamaantiin iska daysaana jaadkii oo dhamiba wuu joogsanayaa , markaa qof walooba jaadka jooji oo naftaada ka jooji , dadkaaga ka jooji dalkaagana ka jooji .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...