'' Waa Sidaan Somaliland Ka Rabo '' .

0
Sunday April 26, 2020 - 09:49:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Waa Sidaan Somaliland Ka Rabo '' .

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

Madaxwaynihii ugu horeeyey Kenya Jomo Kenyata iyo ku xigeenkisii Jaramogi Oginga Odinga , waxay ahaayeen laba siyaasi oo soo wada halgamay waayo badana soo wada maray , saaxiibnimadaas oo gaadhay in markii la xidhay Kenyata Ingiriisku usoo jeediyay Ogiga in uu noqdo Madaxwayne , hassa yeeshee Oginga ku adkaystay in musharaxa xisbigoodu yahay Kenyata , xabsigana uu kasoo baxayo isagoo Madaxwayne ah maadaama loo xidhay dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka kenya .

 

Hadaba jirtaa siima jirtee markii labadii oday noqdeen Madaxwayne iyo ku xigeen way isku dhaceen , Ogingana xilkii madaxwayne xigeenka waa lagga qaaday , waxaanu dhintay isagoo ku jira xabsi gurri 1994 .

 

Coladii siyaasadeed ee ka dhex aloosantahay labadii oday ee saaxiibka ahaa ayaana gaadhey qawmiyadood ee ay ka dhasheen ee Kikuyo iyo Luo ,khilaafkaasoo marar badan sababay qalalaase

siyaasadeed .

 

Labadii oday markii ay saaxadda ka baxeen waxaa sii waday loolankii labadooda wiil ee Raila odinga iyo Uhuru kenyata , kuwaasoo tiraba sadex jeer doorashada iskaga horyimi .

 

Doorashadii ugu danbaysay ee 2016 , natiijadeedii markii maxkamadda sarre baabi'isay ee dib loogu noqday xisbgii Odinga wuu diiday in uu ka qayb gal , xaaladiina meel xun bay gaadhay , hassa yeeshee dhaq-dhaqaaq hoose ayaa si hoose wax loogu dhameeyey , khilaafkiina laggu soo afjaray .

 

Baryo ka dib na waxaa lasoo bandhigay Qorshaha dib u heshiisiinta , dib u sixista iyo dib u hagaajinta Qaranka ee loo bixiyey BBI .

 

Wararka hoose ee isa soo tarayay in muddo ihina waxay sheegayeen in Raila iyo uhurro ku heshiiyeen in Raila doorashada soo socota la dhiso , loona doorto Madaxwayne , Uhurana Raysal wasaare , sidaana laggu soo afmaaro colaadii siyaasadeed ee aabayaashood ka bilaabantay .

 

Ugu danbayn maanta , waxay qorayaan joornaaladda Kenya sidda idiinka muuqata lifaaqan in labadda xisbi ee mucaaridka iyo muxaafidku ku heshiiyeen in ay wada dhistaan Xukuumad midnimo Qaran , arrintaas oo u muuqata midho dhalka heshiiskii baryahaba la hilaadinayay .

 

Si kastaba ha ahaatee , dib u heshiisiinta siyaasadeed , dib u hagaajinta haayadaha dawladeed iyo dib u sixista qaladaadka siyaasadeed ee Kenya ku dhaqaaqday waa waxaan ka rabo Somaliland ee inta badan qalinkaygu is dultaago marba dhan uu kagga yimaadaba .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...