GABAY LOO TIRIYAY MADAXWAYNAHA JABUUTI (BADRAAN)..By M.M Aadan

0
Sunday April 07, 2019 - 20:18:29 in Articles by
  • Visits: 1715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAY LOO TIRIYAY MADAXWAYNAHA JABUUTI (BADRAAN)..By M.M Aadan

    GABAY LOO TIRIYAY MADAXWAYNAHA JABUUTI (BADRAAN)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GABAY LOO TIRIYAY MADAXWAYNAHA JABUUTI (BADRAAN)

Allahayoow Badraan Daaliniyo

Boqor Awood Sheegtay

Bidde dheragu uu faray inuu

Boobo Shicibkiisa

Baqe Aawadii Nimu Dadkii

Bayr ka wadda yeeshay

Oo uu Waqtigu Baaciyoo

Talo Rag Beeneeyay

Wuxu Biiyo wuxu Baydhsadiyo

Wuxu ku Baagfeero

Bujuu Cid u Tidhaadaa Nimanay Joogin Beladkiisa

Oo Been hadii uu Akhriyo

Baxayso Weedhiisu

Oo Dallarkii Buuxa uu

Baananka u taalo

Wuxuu Baadil gaystiyo haduu

Buuro Duminaayo

Bagga waxan ahayn Niman Maxkamad Bixinkartaa joogin

Nin Belaayo Sheegtaba

Addaa Bi'iya tiisiiye

Haduu Baarcaddaha noogu tumay Baaddilnimo Eedleh

Eeboow Ninkii kugu baqdaad

Daw u Bixisaaye

Baababaco Madlluun Baan Dartaa Baaq u Dirayaaye

Dhaaxaad Masuul Baadiliyo

Tiisa Bi'isaaye

Boqoraddi Carbeed baan ogaa

Baalashii Go'aye

Waatay Baarqabadi Liibiyiyo

Tuunis Burureene

Barre iyo Ninkii Ina Illay

Bixiso Dheeraaye

Boqolaalki Qoys iyo Shaqadu

Band-ka naga saaray

Badheedh buu u xidhay Kibir

Allaha Baaqiyayskalehe

Biyihi Sheekha oo Waxanu nahay Badhaxla'aaneedde

Baryaddayda Waan kaa hellaa

Boqorka Waynoow'e

Carabkiyo Bogaygaba Ninkaan

Ba'e ka Liishaamay

Boqolkaaga Magac ee Midlaan

Kuu Baryootamaye

Allahayoow Ninkaa Buuran ee

Xeebta bahardaada

Baawarkiyo Awoodaba ka

qaad biliga uu Sheegtay

oo tiisa Beenee Shar-buu

Noogu Bu'ayaaye

Ismaaciil Waxaad soo Bandhigi

Waa barkuma taale

Ciisana wixii aad Baday

Cadhadi Buuxaane

Berigaad Ibraahiim dhaciyo

Boorre Iyo Jaamac

eed Baadda Caydiid ku tidhi

Bixi waxaan oolin

Bahdda Nimanki aad kala Baxdaad Baratay toodiiye

hadaad baaracaagii Rag kale

baadho tidhi maanta

Beegsaad is leedahay tanoo

Olol ka boodaaye

Waa kuu Bilaash sheekadaad

soo bacdhabaysaaye

Nimankaad Afkaw Buuxisee

Buunka Maqashiisay

Balag Awr Kiraaliyo wuxuu

Biiyo la Arkeeye

Car Badhaasuqaa waa hadaad

Beesad ku heshaa dheh.



By M.M Aadan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...