Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 3aad

0
Sunday April 26, 2020 - 09:37:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 3aad

    Ramadaan iyo COVID 19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan iyo COVID 19

Bilihii u dambeeyey adduunka waxa halleelay xanuunka sida dhakhsaha ah daafaha dunida isaga kala gooshay, ee caafimaadkii dadka, dhaqaalihii iyo isusocodkiiba halleelay.Xanuunkan soo bootada ah, waxa uu soo gaadhay bisha Ramadaan.Dad badan waxa ay iswaydiinayaan sida ay noqon doonto cibaadadoodii soon, salaad iyo masaajid ku cibaadaysi.



Dadka uu haleellay: soonku wuxuu waajib ku yahay qof kasta oo karaya in soomo caafimaad ahaan, sida Alle SWT leeyahay, "Qofka xanuunsanaya ama safarka ah, maalmo kale ayuu soo qallaynayaa.” Dadka uu haleello xanuunkan, xaaladdooda caafimaadna u saamixi waydo in ay soomaan waxa u yaalla fursadda ah in ay wax cunaan, hadhoowna soo qalleeyaan. Dadka se da’da ah ee xanuunkan haleelo iyaga afur baa laga bixinayaa oo qalle laguma laha.


Dadka ku sugan waddamada xanuunkani ku badan yahay: dadka ku sugan waddamo xanuunkani ku badan yahay iyo waddamada lagu sheegay iyagu u afuri mayaan baqo. Qofka xanuunkani ku dhacay fursadda Ilaahay siiyey baa u taalla, laakiin qof aan xanuunkani ku dhicin isagu wuu soomayaa.


Masaajidda: bishan werwerka Muslimiinta ku dhacay waxa weeji in qaarkood masaajidda laga xidhay, bishanna si ka duwan bilaha kale ay masaajidda u soo cammiri jireen. Dadyowga masaajiddu ka xidhan yihiin waxa la gudboon in ay cibaadadii joojin ee guryaha meel salli ah ka samaystaan, jadwalkana sidiisii u wadaan.


Taraawiixda iyo Tahajudka:habeennimada Ramadaan waxa la oogaa salaadaha Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan. Waddamada masaajiddu Ramadaan ka xidhan tahay ha ogadeen in salaadahan asalkeedu yahay salaaddaa habeennimada loo kici jiray ee aanay ahayn salaad Ramadaan u gaar ah. Qofku isaga oo gurigiisa jooga ayuu ku tukan karaa, inta guriga wada joogta ayaa wada tukan kara.

 

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...