Hogaanimada Pm. Qeyre Ma Loo Aayey Mise Loo Hiloobi Doonaa

0
Sunday April 26, 2020 - 09:14:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaanimada Pm. Qeyre Ma Loo Aayey Mise Loo Hiloobi Doonaa

    FG: qormadan aniga ayey iin gaar tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FG: qormadan aniga ayey iin gaar tahay.

 

Siyaasada dal walba waxaa lagu halbeegaa sida ay u dhaqmaan Madaxdiisu, iyo sidav ay Ummadiisu ugu hogaansan tahay, taasna waa furaha guusha ee Siyaasi wax weyn u rajeynaya, taas oo abuurta in Siyaasiga saxda ahi talaabo walba oo uu qaadayo ku jimeeyo rabitaanka Bulshadiisa si wadareed, Taas ayaa ah aflixidav siyaasad sal leh miirqabta, soona noqnoqota sida Hogaamiyihii Mareykanka Barak Obama oo lagu tilmaami karo hogaamiye maskax caafimaad qabta, kana fiyow caadifad ku hogaamiyey dalkiisa, gaarsiiyeyna guulo ay ku taami karaan, dhinaca kale Reysulwasaare Muhatir Mohamedka Maleysiga waxuu dalkiisa ka noqday hal heys wadareed lagu faano, oo shaqsi walba uu hiigsanayo himilooyinkii horumarka iyo casriyeynta Maleysiya.

 

Hadaba inaga ka Soomaali ahaan maxaan kala mid noqon karaa, maxaanse kaga duwanahay timkaamaha aan kor ku soo xusay, siyaasad u ekaha Soomaaliya ka jira ayaa lagu tilmaami karaa ninba jeebkiis furay, balse waxaa si aan la saadaalin Karin u imaan kara caqabado aan marna uusan siyaasi u ekuhu ka talaabi Karin, u fiirso, madaxdii dalka soo martay 30kii sano ee la soo dhaafay ma laheyn mug siyaasadeed oo sal leh, waxay ahaayeen siyaasiyiin caadifi ah oo aan meel ay tiigsanayaan aysan jirin oo isu bedela sidav dabeysha maansuunka.

Hadii aan dulucda Qormadeyda u soo dhaco waxaa sabab u ahaa Su’aalo fara badan oo dhowr jeer igu soo noqnoqday aanan jawaab waafi ah u waayey, tan iyo Markii Reysulwasaare Xasan Cali Qeyre uu Farmaajo u Magacaabay ilaa haatan, Su.aalahaas waxaa kja mid ahaa kuwan hoos ku qoran:

1: waxaad heysataan xilkii Hawiye ugu sareeyay maad ka hadashid dhibaatadav shacabka heysata ee cabursan, gaar ahaan Muqdisho oo socodkiiba qaatin laga joogo,

2: beel heblaayo dhibaatada loo geysto idinkaa ka masuul ah oo Qeyraa ka dambeeya,

3: waxaad manta sameysaan beri waa la idinku sameynayaa ee ha qeylinina Murusadow,

4: jagooyinkii hawiye oo dhan Murusadaa qaatay. IWM.

 

Aduunyada masiibooyinkii soo dhacay waxay aadanuhu uga fal celiyeen si aan ka laba labeyn aanan laheyn, Tusaale Abaartii daba dheer qaran iyo shucuuba waa la xaliyay, waxaase si aan sahlaneyn lagu xalin Karin dhibaatada ka jirta hogaanka Soomaaliya, waana arimaha sii daba dheereynaya sidii Dalku amni ku heli lahaa.

Yaanan sii gudbine aqristow, Reysul wasaare Qeyre inta uu xilka hayo  xilalkii kale ee beeshu u lahayd 4.5ta uu u dhacay ilma adeerradiisa sida:-

1.     Xildhibaan Mustaf Dhuxulow

2.     Xildhibaan Galmudug Cabdi Baliile

3.      wasiirka cusub ee Galmudug Cabdi Baliille

4.     Xildhibaan Koofur Galbeed

5.     Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Jacfar 

6.     Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha

7.     Taliyaha Ciidamada Gorgor

8.     Xoghayaha 1aad ee safaaradda Sacuudiga Bashiir Xaaji

9.     Xoghayaha 2aad ee safaaradda Sacuudiga gabar uu dhalay Guddoomiyihii hore ee mid ka mid ah garabyadii Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad 

10.                       Xoghaya 2aad ee safaaradda Imaaraadka Carabta Jacaraawi Janaqow

11.                       Agaasimaha guud ee khasnadda maamulka lacagta gobolka banaair Xamdi Cali Nuur

12.                       Agaasimaha horumarinta beeraha ee Wasaaradda Beeraha

13.                       Xoghayaha degmada Hodan Maxamed Cabdullaahi

14.                       Iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

 intaa oo dhibaato ah waxay beeshu uga aamusneyd sedax arimood oo dhaqanka Soomaalida ku qotoma.

1: wiilka gabadhooda qaba oo Madaxweyne dalka ka ah qeylo iyo mucaaradnimo ha ku furina, dhibaataidiina dib u liqa ay ey aheyd

2: in beeshu ay u ekaato dad aanan xeerinryn xididtinimada

3: in aanan basin lagu shubin dhibaatada dalka ka jirta, lana xoojin kuwa mucaaradka ah, ee ka soo Hoejeeda Madaxweyne Farmaajo.

 

Soomaalidu waxay tiraahdaa Doqon ka xishoo ama u jabe kaama kacdo, Reysulwasaare Qeyre cadaaladii iyo horumarkii ay Soomaali ka sugeysay ma waxuu ku soo dhamaaday in Xildhibaankii Beesha Habarceeno xoogb ay ku qaataan oo uu Mustaf Dhuxulow noqdo oo Urgaale ah, hadii reysulwasaarahii loo gartay Xasan Cali Qeyre oo urgaale ah, uu isku wareejiyay Urgaale oo hadii aysan kaa ogolan adan arki Karin, in Qeyre Nbadoonkii Habarceeno uu ku bedeshay saxiixiiisii  Maxamed Xasan Xaad oo adeerkiis ah Urgaale ah, kuma ekaana xildhibaankii Galmudug uu si xoog ah oo ay reer galmudug ay ka marqaati kacayaa uu u siiyay ina adeerkii Cabdi Baliile oo urgaale ah, haatana uu urgaale siiyay wasuirkii habar ceeno, waa yaab iyo si aan la fileyn, damacii siyaasadeed ee ay Soomaali ka leheyd aaway, hadii laguu diro su’aal isaab ah ee lagu yiraahdo sawir sedqax xagal ee aad ku daashid leydi inaad sawirtid macalinku sow isma naceysaan. Ujeedada aan ka leeyahay qad dhigaalkan ayaa ah in an Soomaali u iftiimiyo in Cadaalada Qeyre laga sugaa ay tahay Dhagax biyo laga dhuuqo laga sugo.

Gunaanad: Murusade waa Sabti Iyo Foorculus, 2 wasiir ayaa loo magacaabay waxuuna siiyay Jufadiisa Foorculus. Taas qiyaas hadaad garasho iyo cabiraad caqli iyo degenaansho ku fadhida leedahay.

 

FG: qormadan aniga ayey iin gaar tahay.

Suldan Ali Suldan Farah

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...