Hal-Abuur Qoraa Xamse Rriiraah Oo Ka Sheekaynaya Islaamku Saynisku uKeenay Dhulka Yurub.

0
Sunday April 26, 2020 - 09:07:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Rriiraah Oo Ka Sheekaynaya Islaamku Saynisku uKeenay Dhulka Yurub.

    Ramadaan mubarak

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan mubarak


marka aynu rabno in aynu ka haddalno sayniska iyo islaamku qaabkii uu  gaadhsiiyay arlada yurub,waa in aynu  horta wax ka iftiimanaa waxa ay tahay yurubtu?. Yurubtu  waxa ay ka mid tahay  7da qaaradood ee sameeyo dhulku,galbeedka waxa ka xiga Atlantic ocean. koonfurtana waxa ka xigga mediterranean sea .woqooyigana waxa ka xigga Aractic ocean .bariguna malaha xudduud cad oo ka soocd eeshya, hase ahaatee juquraafiiyananafu waxa ay u qaataan buuraha lugu magacaabo ural iyo wabiga lugu magaacabo isna ural inay tahay xuduudka yurub.taariikh ahaan waxa yurubta loo yiqaanay intii ay maamuli jirtay kiniisadii galbeedka ee room,marka laga reebo intii ay maamuli jirtey kiniisadii lugu magaacaabi jirey constantinople, imiga waxa yurub loo yiqaanaa wadamada la isku yidhaahdo european communnity ama middawga yurub. Haa

 

magaca yurubna hadii aynu waxyar dul istaagnano, markii ugu horreysay waxa laga dhex arkay gabay giriiga taasi oo  la tiriyay qarnigii 8aad ciise kohor.hase yeeshee gabaygaasi wuxuu ku koobnaa woqooyiga giriiga ,taasina caddayn kama dhigayso inuu halkaa ka yimid. taariikhyahan hore  lugu magacaabi jiray herodotus ayaa ahaa taariikhyahankii ugu horreeyay ee adeegsada magaca yurub isagga oo  aduunyadii ukala qaybshay seddex qaaradood oo kala ah: europe, eshya iyo libya, oo uu uga jeeday afrika  hase yeeshee isna waxuu qirey in aanu garanayn meel uu ka keennay magacan yurub, kuwa imiguna  waa la mid.

 

Haddii aynu kalmad kalmad u fasirno: yurubtu waxay la macno tahay kalmada far-sighted from the greek ward ,euros oo iyadna looga jeedo broad ama weynid. optikes iyadna waxa looga jeedaa eye ,lakiin-se .dadka qaarkood ayaa rumeysnaa  in magacyada eeshya iyo yurub ay ka yimaadeen boqortooyadii lugu magacaabi jirey mesoptania iyo luuqadoodii la odhan jirey akkadian-ka ASU oo looga jeedo bixitaan, iyo erebu oo looga jeedo galitaan. markaas Asu waxay noqonaysaa eshya iyo erebu oo noqonaysa europe aasiyana waxa ay noqonaysaa bari ama meeshii cadceedo ka soo baxaysay iyo yurub oo noqonaysa meeshii cadceedo ka dhacaysay ama galbeed.

 

haddaba aynu eegno qisdiga iyo dulucda maqaalka aynu u qornay, aynu dul istaagno xadaaraddi ballaadhnayd iyo waxyaalihii sayniska ee soo gaadhsiiyay  arlada yurub. roomaniyiintii hore waxay isticmaali jireen fikradihii giriiga hase yeeshee markay dhacday boqortoyadii in badan oo fikradihii hore ka mid ahayd waa la   ilaabay,galbeedka yurubna waxa ku dhacay hoos u dhac weyn, waxay waxbarashadii gacanta u gashay kiniisadihii, kuwaasi oo leyn jirey wixii kasoo horjeedsada kiniisada, isla markaasina ciqaabi jirey wixii la yimaada fikrad ka duwan ta ay baadariyaashu ko socon jireen .haddaba markuu islaamku qabsaday dhulka yurub qarnigii 8aad waxay islaamkii keeneen dhulka yurub cilmiyo aykasoo qaateen giriiga hore, iyo kuwa ay islaamku laftoodu sameeyeenba .iyo waliba kuwa ayka soo qaateen shiinaha .haddaynu yara carro baabna waxa ka mid  cilmiyadaasi megnetic compos, iyo gunpoder. waxay kaloo islaamku keeneen dhulka yurub sida loo adeegsado dabaysha iyo biyaha iyo waliba mills an pumps ,waxana ka faa’idestay waagaa dadyowgii reer yurub waxay kaloo keeneen  cilmiyo ay sameeyeen qarnigii 11aad islaamku wuxuu keenay cilmiyadii dhakhtarada xisaabaadka iyo xadaarada oo dhan .sida uu qabo caalim farasiiii isaga oo yidhi haddayna barigii nasoo  gaadhsiin lahayn  islaamku sayniska waxaynu dib u dhici lahayd muddo qarniyaal aad u farabadan.

Ramadaan mubarak

Hamse riiraash

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...