Bisha Ramadaan Iyo Fadligeeda. Q1aad. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

0
Sunday April 26, 2020 - 08:53:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisha Ramadaan Iyo Fadligeeda. Q1aad. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    "Bisha ramadaan waa bil eebe weyne kheyr badan dhexdeeda uu dhigay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bisha ramadaan waa bil eebe weyne kheyr badan dhexdeeda uu dhigay"


Ramadaan waxay kamid tahay bilaha ugu fadliga iyo dheeraadka badan bilaha sanadka ee islaamka waa bishii soonka iyo oogida salaada, islaamka dhexdiisa waa bil weyn bil loo sahay qaato xaga kheyrka.

Ramadaan waa bishii uu soo degay quraanka kariimka ah hadalka eebe weynaha dunida uumay  (شَهْرُرَمَضَانَالَّذِيأُنزِلَفِيهِالْقُرْآنُهُدًىلِّلنَّاسِوَبَيِّنَاتٍمِّنَالْهُدَىٰوَالْفُرْقَان.

Soonku wuxu kamid yahay tiirarka uu islaamka ku taaganyahay ee bud-dhiga u ah islaamnimo dhamaanteed tiirarkaa shanta ah ayaa waxaay kala yihiin sida nabigeenu sheegay "qirashada shahaadada in eebe weyne keligii yahay cibaadadana keligii xaq u leeyahay iyo in nabigeena muxamed suubanaheena wanaagsan uu yahay adoonkii ilaahay iyo rasuulkii uu dunida u soo direy, oogida salaada, bixinta sakada, gudashada waajiibka xajka iyo sidoo kale soonka bisha ramadaan. لقولالنبيّمحمد-صلّىاللهعليهوسلّم-: (بُنِيَالإسْلامُعلَىخَمْسٍ،شَهادَةِأنْلاإلَهَإلَّااللَّهُ،وأنَّمُحَمَّدًاعَبْدُهُورَسولُهُ،وإقامِالصَّلاةِ،وإيتاءِالزَّكاةِ،وحَجِّالبَيْتِ،وصَوْمِرَمَضانَ).

 

Bisha ramadaan waa bil eebe weyne kheyr badan dhexdeeda uu dhigay waa bil uu fadligeeda uu ku suganyahay quraanka kariimka ah iyo sunada rasuulkeena suuban waa bishii uu:

         Waa bishii quraanku soo degay, soo degitaanka quraanka kariimka ee bishan ramaadan waxa ku sugan dhacdooyin waaweyn kuwaas oo si dhaba u cadaynaya  fadliga bishan ramadaan, kalaamka ilaahay ee bishan soo degay waxa dhexdiisa ku sugan wararkii umadihii hore ee dunida soo maray, axkaamta u damaanad qaadaysa aadmiga nolosha wanaagsan aduun iyo aakhiraba (شَهْرُرَمَضَانَالَّذِيأُنزِلَفِيهِالْقُرْآنُهُدًىلِّلنَّاسِوَبَيِّنَاتٍمِّنَالْهُدَىٰوَالْفُرْقَانِ)

         Bisha ramadaan waxa  ku jira habeenkii eebe weyne amaanay " habeenkii laylatu qadriga” habeenkaas oo ka fadli badan 1000 bilood oo aan ramadaan ahayn oo u dhiganta 83sano iyo 4bilood.

Nabigeena muxamed N.N.K.H  wuxu inoo soo tabiyey in qofkii habeenkaa cibaado u istaaga isagoo rumaysan, ilaahayna abaal kaga doonaya in eebe weyne qofkaa dambigiisii hore iyo ka dambaba dhaafi doono.

: (مَنقَامَلَيْلَةَالقَدْرِإيمَانًاواحْتِسَابًا،غُفِرَلهماتَقَدَّمَمِنذَنْبِهِ،ومَنصَامَرَمَضَانَإيمَانًاواحْتِسَابًاغُفِرَلهماتَقَدَّمَمِنذَنْبِهِ)

Habeenkaa laylatu qadri waxa loogu baxshay waa habeenkii quraanku soo dagay lana qadaray xaga ilaahay.

         Fadliga bisha ramadaan waxa kamid ah in ilaahay u dambi dhaafo adoomihiisa taas oo sabab u noqota in adoonku galo janooyinka ilaahay. Taas waxa cadaynaya xadiiskii rasuulka ee jaabir warinayey kaas oo nin nabigeena weydiiyey "nabi allow ka waran hadii aan tukado salaadaha faralka ah sidoo kale aan soomo bisha ramadaan, oo aan xalaal ka dhigto waxkasta oo eebe xalaal ka dhigay, sidoo kale aan xaraam ka dhigto waxkasta oo alle xaraam ka dhigay, oo aanan intaa waxba ku darin janada eebe ma galayaa? Waxa uu nabigu ninkaa ugu jawaabay haa.

(أنَّرَجُلًاسَأَلَرَسولَاللهِصَلَّىاللَّهُعليهوسلَّمَ،فقالَ:أرَأَيْتَإذاصَلَّيْتُالصَّلَواتِالمَكْتُوباتِ،وصُمْتُرَمَضانَ،وأَحْلَلْتُالحَلالَ،وحَرَّمْتُالحَرامَ،ولَمْأزِدْعلَىذلكَشيئًا،أأَدْخُلُالجَنَّةَ؟قالَ:نَعَمْ)

 

 

         Bisha ramadaan waa bishii la furayey albaabada janada sidoo kalena la xidhayey iridaha naarta waxa sidoo kale la silsiladeeyaa oo la xidhaa shayaadiinta kuwooda waaweyn ee dhibka badan dhamaan arimahani waxay yihiin naxariis xaga ilaahay ah oo bisha ramadan lagu gaar yeelay arintana waxa sidoo kale cadaynaya xadiiska rasuulka 

لقولالنبيّ-صلّىاللهعليهوسلّم-: (إذاجاءَرَمَضانُفُتِّحَتْأبْوابُالجَنَّةِ،وغُلِّقَتْأبْوابُالنَّارِ،وصُفِّدَتِالشَّياطِينُ)

         Ramadaan waa bishii eebe weyne adoomihiisa naarta ka xoreyn jirey, waa bishii alle uu karaamayn jirey adoomihiisa sooman ee uu maalin kasta oo waaberyo iyo galbal dhaco uu qaar adoomihiisa kamid ah uu naarihiisa daran uu ka fogayn jirey janadiisana uu ku casuumi jirey

يعتقاللهفيهالناسمنالنيران؛فالله-سبحانهوتعالى-يتفضّلعلىعبادهالصائمينبأنيجعلمنهمعُتقاءمنالنارفيكُلّيوم؛والعِتقيكونبابعادالمُعتَقعنالنار،وإدخالهإلىالجنّة

         Ramadaan waxa ilaahay sakhiraa dhamaan duruufkasta oo adoonka cibaadadu ugu hirgalayso wuxu ka xidhaa ibliiska kooda daran ee la loodin waayey, wuxu ka xoreeyaa naaraha adoomihiisa kala gadisan,arintaas ayaa nabigeena muxamed  N.N.K.H uu ku sheegay xadiis isagoo yidhi "mid dhawaaqa ayaa markay ramadaan soo gasho odhanaya kii kheyrka jeclaayee dadka ugu yeedhidhayoow soo qaabil waa bishii kheyrkee kii dadka xumo ugu yeedhayoow gaabso xumaha.

يُهيّئاللهالظروفالمُناسبةلعباده؛لأداءالعبادة؛وذلكبحبسالشياطين،وكثرةالعِتقمنالنارفيرمضان؛لقولالنبيّ-صلّىاللهعليهوسلّم-: (ويُناديمنادٍياباغيَالخيرِأقبِلْوياباغيَالشَّرِّأقصِرْولهعُتقاءُمنالنَّارِوذلككلَّليلةٍ).

         Bisha ramadaan waa bishii baryada la aqbali jirey, isagoo ilaahay markasta adoomihiisa baryada ka aqbala hadana ramadaan si gaara ayaa uu ilaahay adoonkiisa baryey u tixgaliyaa oo ducadiisa u aqbalaa.

         Bisha ramadaan ilaahay waa ka fadilay 11bilood ee kale ee sanadka sidaa si lamid ah ayaa cibaadada bisha ramadaana uga fadli badan tahay cibaadada waqtiyada kale lala yimaado.

         Camalka qofka ee wanaaga ah ilaahay s.w qofka sameeyey waa

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...