Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da'ay Dagmada Xudun Oo Gaystay Khasaare Naf Iyo Maal-ba Leh

0
Sunday April 26, 2020 - 01:05:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da'ay Dagmada Xudun Oo Gaystay Khasaare Naf Iyo Maal-ba Leh

    Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da'ay Dagmada Xudun Oo Gaystay Khasaare Naf Iyo Maal-ba Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da'ay Dagmada Xudun Oo Gaystay Khasaare Naf Iyo Maal-ba Leh

Hargeisa(HWN):-Roobabkan oo shalay galabtii ka da,ay dagmada xudun ee gobolka Sool ayaa waxa ku naf-waayey Marxuun Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa halka uu dhaawac daran ka soo gaadhay Cabdilaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah ka dib markii uu ku soo dumay gurigay ku jireen.



Maayarka dagmada Xudun Faarax Cali Ibraahin oo ka hadlayey khasaaraha roobabkaasi gaysteen ayaa sheegay ilaa labatan guri oo isagu jira sandaqado iyo daaro ay roobabkaasi dumiyeen, isla markaana dadkii guryahaasi ku jiray ay hoy la’aan yihiin iyadoo lagu jiro xili roobadka guga.

Waxanu intaasi ku daray in hay’adaha gargaarku ay gurmad deg deg ah la soo gaadhan dadkaasi ku barakacay roobabka guga ee xiligan curtay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand

Loading...
Loading...