Maayarka Laascaanood Oo Hay'adda Kaydka Raashinka Ku Eedeeyay Musuq-maasuq

0
Sunday April 26, 2020 - 00:46:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Laascaanood Oo Hay'adda Kaydka Raashinka Ku Eedeeyay Musuq-maasuq

    Hargaysa(HWN):-Maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in la musuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in la musuq

Hargaysa(HWN):-Maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in la musuq-maasuqay raashin mucaawimo ah oo loogu tallo galay in la gaadhsiiyo bulshadda magaaladaasi.



Waxaanu maayarku arrinta musuqa raashinkaasi ku eedeeyay masuuliyiinta hay’adda ka hor taga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Raashinkaasi caawimadda ah oo ay soo bixisay dawladda Sucuudiga ayuu maayarku sheegay in raashinkaasi ay Laascaanood ka soo gaadheen wax yaroo faro guudkood ah, isla markaana aan la ogayn meesha la geeyay saamigii loo qorsheeyay bulshadda degaamadda gobolka Sool.

Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ugu baaqay xukuumadda in lala xisaabtamo raashinkii mucaawimadda ahaa ee loo qoondeeyay Laascaanood halka ay geeyeen masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinku.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...