Somalia oo Madaxda Calamka khadka Telefonka kula jira wada hadal & Muuse Biixi oo ku Mashquulsan Ceel-Afweyn Sanaag.

0
Saturday April 25, 2020 - 21:47:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo Madaxda Calamka khadka Telefonka kula jira wada hadal & Muuse Biixi oo ku Mashquulsan Ceel-Afweyn Sanaag.

    "Nin Dameer Haraatiyey inuu dilana yeelkii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nin Dameer Haraatiyey inuu dilana yeelkii"


Dawlada Somalia oo ah Maanta Dawlad ka midho dhalisay cidhiidhka wada shaqayneed ee beesha caalamka ayaa Madaxweyne farmaajo telefoon kula xidhiidhey qaar ka mida dhigiisa, Amiirka qadar iyo Madaxweynaha Djabouti



 Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.


Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.


Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.


Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka Coronna virus.

 

Korneylka Somaliland:

 

Halka uu Muuse Biixi ku Mashquulsanyhay inuu dab kusii huriyo xaalada ka taagan Ceel afweyn ee Gobolka sanaag, waxa marag ma doon ah in dawlada kornayl muuse biixi ay sabab u tahay mashaqadan soo noqnoqoneysa.


Isagoo Amar kusiiyey Golihiisa wasiirada in ay laayaan dadka shacabka ah iyadoo lagu gudo jiro bishii barakaysneyd ee Ramadan.


Waxaanay u muuqataa in xooga uu saarayo reerka "Garxajis"in cudud military doonayo inuu iyaga u adeegsado, warar laga helaayo dad ka ag dhaw Madaxweyne Muuse Biixi aya sheegaya cida uu u dan leeyahay inuu aargudasho ku sameeyaa tahay Habar yoonis inta badana dagaalka waxa loo soo celcelinayaa si marmarsiiyo looga dhigo sidii lagu geli lahaa iyaduu bulshada reer Somaliland la tusaayo in ka fursan weyday  cududaas militery. Hadana lagu target garaynaayo reer keliya waana fursad uu raadinayey in badan Muuse biixi.

 

Nasiib darada ugu weyni waxay tahay Muuse Biixi wuxuu ka dhamaan waayey inuu gondihiisa dab ku shido maalinba meel laga qayliyo. iyadoo dhamaanba wadashaqayntii caalamku ee Somaliland hoos u dhacdey sababna u yahay isagu.

 

"Nin Dameer Haraatiyey inuu dilana yeelkii"

 

Waa Caadadii Muuse Biixi Kolba Meel Dab ku shidku ilaa Waagii SNM.

 

Hadhwanaagnews.

Hargeysa Office.

Loading...
Loading...