Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan uguna YarW/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Saturday April 25, 2020 - 13:46:37 in Articles by
  • Visits: 1817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan uguna YarW/Q: Cali Cabdi Coomay

    Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan uguna YarW/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan uguna YarW/Q: Cali Cabdi Coomay


Marka aynu eegno dhinaca wakhtiga, dalalka saacadaha ugu badan soomaya iyo kuwa sacaadaha ugu yar soomaya. Waxa ku soo baxayaa faraq aad u weyn. Dal kasta waxa laga soo qaatay caasimadiisa inta saacadood ee laga soomayo. Dhinac saacadaha la soomaya kuwa ugu yar hogaaminaaya dalalka Arjantiin, Chile, New Zealand, Ustareeliya iyo Koonfur Afrika, waxaana dhammaantood laga soomayaa 11 saacadood iyo badh.Halka ay kaalinta labaad ee wakhti yaraanta ay soo geliyaan dalalka, Simbaabwi iyo Baraasiil oo laga soomaya 12 saacadood iyo badh.

Image may contain: 1 person


Kaalinta saddexaad ee wakhti yaraan waxa ku jira dalalka, Indooniisiya waa 13 saacadood, Angoola iyo Kiiniya waa 13 saacadood. Maleesiya iyo Singabuur waa 13 saacadood iyo badh. Waxa sidoo kale kaalinta afraad fadhiya dalalka, Taylaan, Sirilaanka, Itoobiya, Yaman iyo Suudaan ayaa midkiiba laga soomayaa 14 saacadood. Waxa kaalinta shanaad cidhiidhsanaya dalalka, Sucuudiga, Qadar, Imaraadka, Cumaan, Bangaaladheesh, Hindiya iyo Hoon koog ayaa dhammaantood laga soomayaa 15 saacadood. Waxa kaalinta lixaad ku jira dalalka Kuweyd, Falastiin, Masar iyo Israa’iil oo iyana laga soomaya 15 saacadood iyo badh. Waxa kaalinta toddobaad ku jira dalalka, Suuriya, Lubnaan, Ciraaq, Iiraan, Baagistaan, Marooko, Japan, Turkiga, waqooyiga Kuuriya, Maraykanka gaar ahaan caasimada Washinton waxa laga soomayaa 16 saacadood.


Halka Shiinaha, Bortuqaal, Giriiga iyo Isbeyn laga soomayo 16 saacadood iyo badh.
Kaalinta sideedaad waxa soo gelaya Afgaanistaan, Talyaaniga, Faransiiska, Ruushka gaar ahaan caasimada Moscow, Kanada gaar ahaan caasimada Ottawa iyo Roomaaniya waxa laga soomayaa 17 saacadood. Halka Iswiisarlaan, Biljim iyo Kasakhistaan laga soomayo 18 saacadood. Ingiriiska gaar ahaan Landhan, Boolaan iyo Dhemark waxa laga soomayo 18 saacadood iyo badh. Sidoo kale Iswiidhan iyo Jarmalka ayaa 19 saacadood ku fadhiya. Ugu dambayntii dalalka saacadaha ugu badan laga soomayo ayaa kala ah, Greenland, Norway iyo Finland ayaa laga soomayaa mid 20 saacadood.


Tixraacyo:
https://www.aljazeera.com/…/ramadan-2017-fasting-hours-worl….
https://www.moroccoworldnews.com/…/how-ramadan-2020-fastin…/
https://www.express.co.uk/…/Ramadan-timetable-2020-when-doe….

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...