Siyaasi Duur Oo Soo Bandhigay Dhaliilaha Muuse Biixi Dul Hoganaya Iyo Hal Seegtay Gudoomiye Cirro
Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha gudaha somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur) ayaa soo bandhigay dhaliilaha dul hoganaya hogaamiye Muuse Biixi iyo Xukuumadiisaba.
Siyaasi Duur ayaa sidoo kale shaaciyey waxyaabo uu ku saluugsan yahay hogaaminta gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) isaga oo sheegay inaanu qaadan doorkii looga baahnaa wakhtigii ay taagnayd xaraaradii ka dhalatay natiijada doorashadii madaxtooyada.
Siyaasi Duur oo uu ugu horayn ka hdlaya inuu ka baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu yidhi "Intii doorashada ka dambaysay meel kale oo aan ka biiray oo aan idhi waan ku biiray ma jirto, xisbinimada, masuuliyada iyo xornimada rayigaygu way kala duwan yihiin, xisbinimadana uma aqaano madaxweynaha dalka oo aan ka oodmo,hadii doorasho iyo olole la soo galayna way dhamaatay oo albaabkaasi wuu inaga xidhmay hadii doorasho lagu jirayna xataa inaynu Kulmiye kala oodnaano uma aqoono inay xisbinimada tahay, anigana masuuliyad ayaa I saarnayd oo oday ayaan ahaa, odaynimadaydiina eed badan ayaa layga soo jeediyey, xisbigaygii Waddani ayaan ahay, xubin golaha dhexe ah ayaan ahay laakiin I fari mayso in albaabada qaar iga xidhan yihiin.”ayuu yidhi siyaasi Duur oo la hadlay Saabtv.
Siyaasi Duur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaan u aqaanaa madaxweynihii qaranka ee ku guulaystay doorashadii dhacday 2017, mar hadii doorashadii dhamaatayna qofka masuuliyada saaran wixii khayr ah in loo sheego oo loo tago oo lala taliyo inta uu kaa dhagaysanayo, cidii aan sidaa u gudbin Karin fariintana way u furan tahay oo xisbiyadu ceeb maaha oo sharciga ayaa inoo baneeyey balse wada jirka, saaxiibtinimada iyo dadnimada ka dhaxays qofka qofkiisa kale waa wax u gaar ah, markaa rayigaygu waa gaar, masuuliyada I saarani waa gaar, cidii aan la xidhiidhayo iyo cida aan u galayana cid ii diidi kartaa ma jirto.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay inuu ka baxay xisbiga Waddani iyo in kale waxaanu yidhi "Waxa hubaal ah inaanan shaqo ka hayn xisbiga Waddani, horena ololihii cid waliba ordaysay ayey shaqadu badnayd laakiin shaqo maanta la qabto oo lagu hawlan yahayna cid haysaba maan arag, markaa xafiisyada Waddani ma tago waayo shaqo ii taalaa ma jirto.”
Siyaasi Duur ayaa cadeeyey saluug uu ka qabo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaanu yidhi "Marka si cad loo hadlo doorashadii markay laba habeen ka soo wareegtay ayaan gudoomiyahayga la hadlay oo aan ku idhi waan dhacnay, cid kastana waxaan u sheegay in doorashadii nalaga helay, dhawaaqaas ilaa maalintaas soo baxay iyo dadkii gadoodsanaa ee cadhada ka dhaxlay doorashada waxay noqotay inaanu iska hor nimaadno, waxaanan yara tabayey in gudoomiyuhu kala garto hogaaminta guud iyo talada adag cida looga baahan yahay iyo caadifada in la kala saaro oo aynu gacmaha is qabsano si qaranka looga badbaadiyo inaanu doorashada inaga raacin intaas ayaan tabayaa inay maqnayd xisbigaygiina waan ahay oo maanta dhaqdhaqaaq laga shaqeeyaa ma jiro albaab iga xidhanina ma jiro oo dadkii xisbiga waan is aragnaa mana firfircooni oo awalba xubin gole dhexe ayaan ahaa, xubin hogaan kuma jirin, guddi fulineedna kuma jirin xil kale oo aan xisbiga u hayeyna ma jirin laakiin intaydii yarayd ee xubinta golaha dhexena waan iska haystaa waxaanan sugayaa kolay imika la soo miyirsaye mar taladii dib loo ururinayo waxaanan isleeyahay maalintaas hadii loo baahdo midhkayga ayaan ka odhanayaa intii horena midhkayga ayaan ka idhi.”
Dhaliilaha dul hoganaya hogaamiye Muuse Biixi ayuu mar kale soo bandhigay siyaasi Duur waxaanu yidhi "Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynihii qaranka oo ma dhaliil la,aan karo, cid kasta oo ina soo martay ilaa madaxweynihii ugu horeeyey ilaa Muuse oo hada jooga waa la dhaliilayey, isaguna in la dhaliilo xaq ayuu u leeyahay oo dhaliishu ma dhamaanayso laakiin waxaan odhan karaa Muuse Biixi wax badan ayaa ka maqan waxaanan jecelahay inuu wadda tashiga badsado inuu dhagaysiga badsado, inuu yareeyo kalsoonida isaga ku jirta oo uu ka tanaasulo, qof walbana waxbaa ka maqan oo albaabadaadu intay u furan yihiin reer somaliland wax aad u badan ayaad helaysaa, kursiga uu hayaa waa kii ugu sareeyey ee qaranka waana ururiye waa dhagayste waa bidhaanshe inta isaga ku jirtana waxa ka badan inta bulshada somaliland ku jirto, waxaana ka dhiman dhagaysi badan waxa ka dhiman tallo urursi badan iyo wax badan oo kale.”