'' Dadku Wuu Inala Socdaane Ogaada '. Ahmed Nour Guruje

0
Saturday April 25, 2020 - 13:12:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Dadku Wuu Inala Socdaane Ogaada '. Ahmed Nour Guruje

    Habeen habeenadda ka mid anaga oo wada socona nin aanu saaxiib nahay ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen habeenadda ka mid anaga oo wada socona nin aanu saaxiib nahay ,
labadayaduna aanu baabuur wada wadano , ayaanu damacnay in aanu galo wadada Isku xidha Suuqyadda Idaacadda iyo Xerro-awr ee magaaladda Hargaysa , wadadaas oo u kala gudubta Barri iyo galbeed , taasoo aanu kaga nimi dhinaca koonfureed , markii aanu wadada galaynay anagoo hareeraha iska eegnay , hadana waxaa si degdeg ah noogu soo booday baabuur yar oo ah nooca loo yaqaano dukhaanka kaasoo u socday galbeed , ka dibna waanu isku dhacnay , labadii baabuurna waxoogay duqad ah baa soo gaadhay .

 

Goortu waa habeenimo , suuqaasina cabaar ayuu ka durugsan yahay suuqyadii aanu islahayn waa la idinka garanayaa , wadadu waa jaam , Askarina meesha waabay ka dhawdahay .

 

Dabeeto markii aanu aragnay shilka , waxaanu baabuurkii ka saaray wadadii , ka dibna waanu kasoo degnay , waxaana aanu u nimi baabuurkii kale oo wadada weli dhexyaala iyo wiilkii dareewalka ahaa oo isna kasoo degey oo baabuurkiisii eeg eegaya .

 

Salaan ka dib , waxaanu wiilkii u sheegnay in aanu qaladka leenahay maadaama anagu aanu wadada ka talaabaynay , khasaarahana aanu qaadanay , sidaa darteed aanu ka wada xaalo sidii baabuurka loo samayn lahaa .

 

Wiilku waa inan yar oo qiyaastii labaatan jir uun ah amaba waxyar dhaafay ,waxaana la socda wiil kale oo aan waxba ka waynayn , baabuurkiisuna waa nooca loo yaqaano Dukhaanka ee Magaaladda ka dhex shaqeeya , inta aanu la hadlaynay wiilku kor iyo hoos buu noo eegayay , anana jawaab baanu ka sugaynay tolow muxuu odhan , ma Tarafiga inooga yeedha , ma geerasha ina geeya , bal adba .

 

Cabaar markuu aamusnaa ayuu wiilku nagu yidhi , Saw ninka Guruujej la yidhaahdo ma tihid , haa baan ku idhi , anoo hoosta iska idhi tolow yaa kuu sheegay , dabeeto wuxuu yidhi , Waanu kula soconaa , nin wanaagsan baad tahaye iska tag waxba lagu waydiin maayee .

 

Maadaama aniga iyo saaxiibkay aanu eegnay duqada baabuurka oo ay noo muuqatay , waxaanu ka codsanay in uu Telefoonka nagga qorto , baabuurkana geerash geeyo , wixii kharash ku baxayana noosoo sheego si aanu ugu dirro ,hassa yeeshee wiilkii wuu naga diiday , ugu dambayn wiilkii yaraa waxaanu ku qancinay in uu telkiisa isugu noo qoro oo aanu is xukuno , taana dirqi buu ku yeelay , waxaana uu nagu yidhi ugu dambayn hadaad wax iisoo dirtaan imikaba jaad uun iisoo dira waxba idinka dooni maayee .

 

Wiilkii hadaanu is yara waraysanay wuxuu noo sheegay in uu kobtan Facebook nagala socdo , xogta uu naggu qiimaynayaana ay intaa tahay , sidii baana aanu wiilkii ku kala amba baxnay, sidaa darteed dadka aanu halkan deriska ka nahay guud ahaan waxaan u sheegayaa dadku wuu inala socdaaye ogaada .

 

Ramadaan wanaagsan .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...