Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Xadhiga Sharci-daradda ah ee Wariye Coldoon
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaan Somaliland Caddaalad la isku lahayn karraa ka jirin, isla markaanna

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka hadlay Xadhiga uu mudada dheer ku jiro Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasoo uu sheegay in Xadhigiisu uu yahay uu yahay Caddaalad-daro, isla markaanna Fekerkiisa loo xidhay mudada intaas leeg.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaan Somaliland Caddaalad la isku lahayn karraa ka jirin, isla markaanna bulshadda loo gaysto tacaddiyo badan oo Xadhig leh oo Caga-juglayn leh, waxaannu siddaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, kaasoo uu kaga hadlay Xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon

"Bahashan Caddaalada la yidhaa Nin walba sida uu doono ayeey u tahay kolkay dantiisu ku jirto ama isaga saamaynayso. Cabdimaalik Muuse Cooldoon iyo qaar aynaan garaneynin baa dadkoodu cadaalad daro tirsanayaan oo inuu garsoorkii hagraday ay kor iyo hoos inoogu sheegayan habeen iyo maalinba. Boqolaal baa si xun u hadla Oo dadka aflagaadeeya Oo meel kaga dhaca, qaar baynu u soo taagneyn dad waxoodii dhacay Oo tuug iyo daalamiin ah oo aynaan kaba hadlin. Bishii Ramadaan baa lagu jiraa ee bal in uun dib ha laysku xisaabiyo. Ummad aan run isu sheegaynin Ilaahay Ma guuleeyo. Cabdimaalik ciqaab badan wuu qabaa Ilaahayna waa arkayaa."
Isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi " Hadraawi iyo Cabdi Qays Oo wakhtiyo ka dhaadheer xidhnaaba waa kuwaa maanta nool ee ummadooda sharafta ku dhex leh. Cabdimaalik kuwaasuun buu la mid yahay Oo fikirkiisa ayaa lagu haystaa. Haday cadaaladdi jirto ileyn Ma jirtoo anigaaba og Somaliland oo waa kuwaan ogaaye Ramadaan kale muu xidhnaadeen Cabdimaalik Muuse Cooldoon. Haddii aflagaado laysku xidhayo qaar wax ka xun sameeyey baa jiree soo qabta.
Cadaaladdu maaha qof walba siduu jecel yahay iyo in maalinta ay adiga ku haysato inaad qaylisid maalinta dadka kale ay haysatana aad ku wiirsatid. Ilaahay dadka xaqa ha garansiiyo. Waar waa Ramadaan ee bal in uun wax isku fala Oo xaqa indhaha ha ka jeedininna. Ramadaan kareem." Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...