Tallooyinka Caafimaad Ee Bisha Ramadaan Xilliga Uu Jiro Caabuqa Covid 19

0
Saturday April 25, 2020 - 09:18:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallooyinka Caafimaad Ee Bisha Ramadaan Xilliga Uu Jiro Caabuqa Covid 19

    Ramadaan kariim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan kariim

 

Bisha barakaysan ee ramadaan waa bisha uu soo degay quraanka quraanka kariimka ah,waxana ilahay inagu waajibiyay soom laga af xidhnaado cunnidda iyo cabidda laga bilaabo subaxa illaa cad ceed dhaca,



Haddaba bishan oo aynu aad u waynayo una qadarrino dadka muslimka ahi waxay sameeyaan Urur faro badan xiiliyada afurka iyo suxuurta iyo salaadaha jamaca ah sida taraawiixda iyo qiyaamu laylka.haddaba maadaama oo ku gudbi karo viruska Covid 19 isu dhowaanshaha dadka.si haddaba looga hor tago faafidda cudurkan talooyinka caafimaad ee ay bixinayso (Who) waxay dhiirrigelinaysaa in masaajidada la xidho isla markaana isku ururka iyo jamaca la yareeyo intii suurto gal ah ee diintu ogoshay.taas beddelkeeda waxa la isticmaali karaa Radio, telefeeshinka,iyo warbaahinta bulshada,in lagala socdo casharrada diiniga ah.


GOOBAHA CIBAADADA

1-Haddii laga maarmi waayo masaajidada waxa fiican in dhamaan daaqadaha iyo albaabadu furnaadaan isla markaana ay shidnaadaan marawaxaduhu.

2-In la soo gaabiyo cibaadada wakhtigeeda hadba intii suurto gal ah.

3-In tirada masaajidka ama goobta cibaadada la yareeyo intii suurto gal ah oo halkii 50 ahayd 25 laga dhigo.

4-In la kala fogeeyo meelaha lagu wayso qaadanayo nadiifna ay ahaato ama lagu soo dhamaysto guryaha iyo in meelaha kabaha la dhiganayo ay khaanado u dhexeeyaan.

5-In la kaantaroolo oo la hubiyo masafada dadku isu jirsanayaan marka salaadda lagu jiro iyo marka la fadhiyo labadaba.

6-Haddii qof xanuun qabaa la ogaado inuu dadka ku dhex jiro ama la dareemo waa inuu jiraa hab looga saarayo qofkaas masaajidka ama goobta cibaadada.

7-Goobaha durbaanka lagu tumo ee mowliidka laga akhriyo iyaguna waxay raacayan tallaabooyinkan oo kale.


XAGGA NADAAFADDA

1-Waa in la hubiyaa inay goobta cibadada sida masaajidda iyo goobaha kaleba la dhig o alaabta faro xalka oo 70%ay yihiin alcohol iyadoo kolka horeba diinta islaamku jidaysa y nadaafadda.

2-In dhamaan rooggaga iyo gogosha la maydho sidoo kale la nadiifiyo si joogto ah  meelaha ay had iyo jeer gacanta dadku ku badantahay sida gacanta albaabka laga furo,meelaha laga daaro laydhka iyo marawaxadaha,si joogto ah salaadda ka hor iyo ka dib labadaba.

3-haddii la heli karo qalabka gaashanka sida Gloveska iyo afxidhka waa muhiim inta lagu jiro masaajidka iyo salaadda iyo mararka kaleba ee dibadda la joogaba.

 

KULANKA GOOBAHA

1-Waxa fiican in la joogteeyo sidii horeba masaafo ugu yaraan hal mitir in la isu jirsado.oo dadku aanay hoosta iska gelin.

2-In la iska salaamo inshaaro oo la iska dhaafo is gacan qaad iyo in laabta la isa saaro.

3-In la iska joojiyo Ururka faraha badan sida maqaaxiyaha iyo dukaamada,iyo goobaha madadaalada sida shaxda,laadhuuda iwm.

4-Dadka isku arka calaamado shaki keeni kara waa inanay u tagain dadka kale ama ay iskaga joogaan si aanay dadka u sadhayn haddiiba si alla badane uu xanuun ku soo jiro.

5-Dadka da’da ah ama xanuuno hore qabay sida wadnaha iyo dhiigagga (cardiovascular) waa in lagu qanciyaa inay gurigooda joogaa n maadama iyagu ay sii nugul yihiin.


SADAQADDA

Maadama bisha ramadaan ay tahay bil cibaado oo sadaqadda aad loo bixiyo waxa fiican,talooyinka caafimaad waxay dhiirri gelinayaan in saadka la isticmaalo xagga lacagta xagga raashinka waxa fiican in hab safari ah ama moor garayn ah la isu siiyo si aanay isu taaban gacmaha badan sidoo kale waa in gooni gooni dadka wax loo siiyaa oo waa in aanan hab Urur ah wax lagu bixin.


SOONKA

Soonku waa sidiisii caadiga ahayd,ee ilahay inoogu faral yeelay wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto caafimaad mooyee,haddiise uu qofku xanuun dareemo xiiligan laga cabsi qabo Covid19 qofku waxa uu si deg deg ah ugu tagayaa dhakhtarkiisa oo uu la tashan karaa.


HABKA CUNTADA

Cunto nafaqo iyo soo kabasho leh way fiic antahay ramadaanta dhexdeeda.cunto iyo khudaar daray (fresh) ah oo gacmo badan soo marin ayaa fiican oo kala duwan iyo in la cabbo biyo badan.


SIGAARKA IYO TUBAAKADA


Iyadoo sigaarka iyo tubaakada kolkooda horeba aanay wanaagsanayn haddana xillig an laga cabsi qabo covid 19 aad ayaa looga digaya waayo sigaarka iyo tubaakaduba waxay wax yeelaan habka neefsiga waxa kaloo ku badan taataabashada dibnaha marna afka la gelinayo marna laga soo celinayo taas oo uu ku faafi karo xanuunku sidaas darteed waa fursad qaali ah ramadaa n oo uu qofkii ku ibtilaysnaa sigaarka iyo tubaakadau ku joojin karo.


DUCADA IYO ALLA BARIGA

Waxa inagu waajib ah inaynu mar kasta ducaysanno oo aanynaan ka daalin ducada waayo ducadu waa cibaado ilaahay inoogu naxariisanayo inuu inna baal mariyo belaayada iyo fitnooyinka wareegaya,

 

Reference 1. World Health Organization. Practical considerations and recommendations for religious leaders and faith-based communities in the context of COVID-19 – publication, risk assessment tool,

 

Ramadaan kariim

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...