Mahadhadii Xildhibaan Cibaado Maax? (Tacsi iyo taariikh kooban) W/Q:C/Kariim M.Cadde (Qaamuus)

0
Saturday April 25, 2020 - 09:00:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahadhadii Xildhibaan Cibaado Maax? (Tacsi iyo taariikh kooban) W/Q:C/Kariim M.Cadde (Qaamuus)

    ~ Waa Xildhibaanadii cashuur bixiyaha ahaa ka hor cod-bixintii golaha deegaanka gabiley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

~ Waa Xildhibaanadii cashuur bixiyaha ahaa ka hor cod-bixintii golaha deegaanka gabiley.

~waa haweenaydii labaad ee xildhibaan ka noqota golaha deegaanka gabiley.

Xildhibaan Cibaado maax cilmi Waxay ahayd da,dii sadexaad ee kacaamay qoyska reer maax cilmi oo ah qoys caan ka ah guud ahaan gobolka gabiley. Waxayna ka mid ahayd filkii hablihii ku indho dilaacsaday xornimadii lixdankii la qaatay. Oo waxay hilaadii sanadihii dhawr iyo kontonkii ku dhalatay magaalada gabiley.



Malcaamadii quraanka iyo dugsigii hooseba waxay ku qaadatay gabiley balse dugsigii dhexe waxay ku dhigatay dhamaadkii lixdamaadkii magaalada hargeysa oo waxay ka mid ahayd hablihii lagu furay dugsigii la odhan jirey girls school.


Xildhibaan Cibaado maax cilmi kadib waxay u wareegtay Magaalo madaxdii muqdisho oo waxay bilowgii todobaatanaadkii ka baxday dugsigii sare ee shan iyo tobanka May. halkaasi ayay ka sii anbaqaaday geedigii nolosha waxayna shaqadeedii ugu horeysay ka bilowday isla muqdisho iyadoo ka hawlgashay inbadana ka shaqaynaysay mashruucii horumarinta kaluumaysiga iyo xeebaha soomaaliya

Aakhirkii sideetamaadkii ayay u dhooftay qurbaha gaar ahaan dalka ingiriiska halkaasi oo ay inta badan ku qaadatay nolosheeda.


Xildhibaan Cibaado maax cilmi waxay ka mid ahayd haweenka qurbe joogta ugu fadala cad ee mar kasta ka qayb qaata arimaha samafalka iyo dib u dhiska dalka. Waxay ka mid ahayd ururka alkhayriya oo ahaa urur samafal ah oo ay haweenka gabiley ee ingiriisku ku bahoobeen wax badana ka qabtay gobolka gabiley.


Xildhibaan Cibaado maax cilmi alla ha u naxariistii waxay u soo guurtay dalka gaar ahaan magaalada gabiley iyadoo mar kasta sidii caadada u ahayd ka qayb qaadan jirtay samafalka iyo arimaha bulshada kadibna waxay ka mid noqotay golaha deegaanka gabiley sidii ayay ugu shaqaynaysay umadeeda ilaa maanta oo iyadoo safar shaqo ku joogta cariga ingiriiska uu ku helay xanuunkan safmareenka ah ee karoona kaasi oo sababay geerideeda.


Taariikhdu iyadaa is qorta oo lagama been sheegee hadaan laga masuugayn aan hoosta ka xariiqo laba astaamood oo sooyaalka taariikhdu ku xusi doonto Xildhibaan Cibaado maax cilmi : waxay ahayd mid ka mid ah sadexda xildhaan ee kaliya ee cashuur bixiyayaasha ka ahaa dhamaan kaw iyo labaatankii xildhibaan ee dufcadii labaad loo doortay golaha deegaanka gabiley.


Qodobka labaad ee ay a gaar tahay waxay ahayd; haweenaydii labaad ee taariikhda abid xildhibaan ka noqota golaha deegaanka gabiley. sidoo kale safka hore ayay ka galaysaa haweenkii ugu horeeyey ee ka mid noqda golayaasha deegaanka dalka.


Astaamahaa iyo arino badan ayaa u gaar noqonaya xildhibaan cibaado sidaas awgeed waxaan soo jeedinayaa in golaha deegaanka gabiley ugu magac daro waddo ama goob taariikh leh.Xildhibaan cibaado maax cilmi janatu fardawsa alle ha geeyo waxaan ka tacsiyadaynayaa geeridaa dhamaan umada somaliland,qurbe joogta reer ingiriis, haween weynaha,golaha deegaanka gabiley iyo qoyskii balaadhanee ilmamaax meel ay joogaanbaiyo qaraabadeedii samir iyo iimaan

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...