Fanaanada Sahra Halgan Oo Ka Hadashay Xabsiga Uu Ku Jiro Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon
Hargeysa(HWN):-Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud(Halgan) ayaa ka hadashay xadhiga suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sanadkii koowaad dhamaystay xabsi lagu xukumay.
Fanaanada Sahra Halgan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay kaga jawaabtay qoraalkii ka soo baxay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty kaas oo ay sheegtay inaanay eegin xuquuqda ardayda wax ka barata dugsiga Abaarso Tech.
Fanaanada Sahra Halgan ayaa qoraalkeedu u dhignaa sidan:-
Ramadaan kariim waa bil lays cafiyo waa bil waxii laysku dhaamo laysu gudbiyo
Anigu waxaan ka mid ahay waalidiinta abaarso ee caruurtooda uu cabdi maalik muuse coldoon aflagaadeeyay hadaba waxaad moodaaABNASTI inaanay dan ka lahay ku xad gudubka lagu xadgudbay ubadkayaga aan cabdi maalik waxba u gaysan uuna ku gafay xaqooda dadnimadooda diintooda kuna tilmaamay caruur lagu khasaaray.
iyadoo intaasoo dhani jirto hadana waxaan dareemi karnaa caruurtiisa iyo xaaskiisuba inay u baahan yihiin aabahood maanta wuu dareemi karaa caruur dadnimadooda lagu xad gudbo waayo waa aabo sida ay u dhibayso ee uu uga damqanayo inuu ka maqan yahay reerkiisa ayaa waalid waliba uga damqanayaa markuu caarkiisa caayo.
1,Hababa waxaanu ka cosanaynaa cabdi maalik muuse coldoon inuu raali galin ka bixiyo aflagaadaynta uu kula kacay ardayda abaarso een danbiga ka galin.
2,waxaanu madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane muuse biixi ka codsanaynaa inuu cafiyo cabdi maalik muuse coldoon fadliga bisha ramadaan.
3, waxaan anoo kamida waalidiinta abaarso ka codsnayaa inay fadliga bisha barakaysan ku cafiyaab Cabdi maalik muuse coldoon si loo soo daayo,
alaa mahad leh Sahra halgan