Xukuumada Kornayl Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday Go'aamo Waa Weyn Oo Xanuunka Coronavirus Ku Qasbay

0
Friday April 24, 2020 - 22:30:25 in News by
  • Visits: 2659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Kornayl Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday Go'aamo Waa Weyn Oo Xanuunka Coronavirus Ku Qasbay

    Xukuumada Kornayl Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday Go'aamo Waa Weyn Oo Xanuunka Coronavirus Ku Qasbay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Kornayl Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday Go'aamo Waa Weyn Oo Xanuunka Coronavirus Ku Qasbay


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay talaabooyin uu ku qasbay xanuunka Coronavirus oo ay qaaday.


Wasiirka maaliyada somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay go’aamo ay dawladu gaadhay oo uu ku dhaliyey xanuunka Coronavirus, isaga oo sheegay inay si deg deg ah u hirgelinayaan.




Wasiir Sacad Cali Shireayaa hadalkiisa ku bilaabay "Dawladu waxay go’aansatay in cashuurta laga qaado raashinka soo daga ay hoos u dhigto 20%, raashinkaas oo ay ka mid yihiin daqiiqda, bariiska, saliida,sonkorta iyo baastada, waxaanay dawladu go’aansatay inay si dhaw ula socoto ascaarta daruuriyaadka ah oo ay ka mid yihiin raashinka, dawooyinka, shiidaalka iyo agabka lagaga hortagayo Covid-19”


Sidoo kale wasiir Sacad ayaa ka warbixiyey sanduuqyo ay dawladu samaysay oo lagu taageerayo shacabka iyo qadarka lacago ay ku shubtay waxaanu yidhi "Waxa kale oo ay dawladu samaysay sanduuq loogu tala galay in laga taakuleeyo dadka ay dhibaatada dadka ay dhibaatada dhaqaale ka soo gaadhay xanuunka coronavirus, sanduuqaasna waxay ugu tala gashay inay ugu tababarucdo lacag dhan hal milyan oo doolar, waxa kale oo xukuumadu samaysay sanduuq loogu tala galay in laga taakuleeyo ganacsatada yar yar ee ganacsigoodu kaga baaba’ay ama kaga daciifay intii xanuunka Coronavirus ina soo galay waxaanay dawladu ku shubaysaa halmilyan oo doolar, waxa kale oo ay dawladu ku shubaysaa sanduuqii ay hore u samaysay ee ka hortaga Covid-19 hal milyan oo kale iyada oo hore loogu shubay shan boqol oo kun oo doolar.”


Wasiir Sacad ayaa sheegay in dawladu cashuur u samaysay dhamaanba agabka la xidhiidha ka hortaga xanuunka Coronavirus waxaanu yidhi "Waxa kale oo ay dawladu go’aansatay inay cashuur dhaaf u samayso agab kasta iyo dawo la xidhiidha la dagaalanka safmarka Covid-19, alaabta cashuur dhaafka loo samaynayana waxa ku jira qalabkan afka lagu xidho, kuwa gacmaha la gasho, qalabka xumada lagu qiyaaso, qalabka ay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaashu gashadaan ee ay iskaga ilaaliyaan dadka bukaanka ah.”


Wasiirka maaliyada somaliland waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhaqaalaha lagu ururinayo sanduuqyada ay dawladu shaacisay ee lagu taageerayo dadka uu siyaabaha kala duwan u sameeyey xanuunka Coronavirus.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...