Nuxurka Wadda Hadal Uu Madaxweyne Farmaajo Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Iyo Amiirka Qatar

0
Friday April 24, 2020 - 21:39:42 in News by
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Wadda Hadal Uu Madaxweyne Farmaajo Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Iyo Amiirka Qatar

    Nuxurka Wadda Hadal Uu Madaxweyne Farmaajo Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Iyo Amiirka Qatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Wadda Hadal Uu Madaxweyne Farmaajo Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Iyo Amiirka Qatar


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor


Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.


Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.


Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

Dhammaad



 

Loading...
Loading...