"Maamuladii Buuxiyey Shuruudihii Looga Baahnaa Waanu Siinay Lacagtii Aanu..."Wasiir Bayle

0
Friday April 24, 2020 - 21:22:10 in News by
  • Visits: 2637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maamuladii Buuxiyey Shuruudihii Looga Baahnaa Waanu Siinay Lacagtii Aanu..."Wasiir Bayle

    "Maamuladii Buuxiyey Shuruudihii Looga Baahnaa Waanu Siinay Lacagtii Aanu..."Wasiir Bayle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maamuladii Buuxiyey Shuruudihii Looga Baahnaa Waanu Siinay Lacagtii Aanu..."Wasiir Bayle


Muqdisho(HWN):-Wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay sababta aanay dawladu ilaa hada u bixin lacag ay u balanqaaday inay siinayso maamul goboleedyada.




wasiir Bayle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawladu ay bixisay lacagtii ay u balanqaadya maamul goboleedyada oo ahayd in maamul kasta la siiyo halmilyan oo doolar, waxaanu tilmaamay in dawladu ay gaadhsiisay lacagtaasi maamulada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.


wasiir Bayle waxa uu sheegay in maamulada ka tirsan dawlada federaalka ah ee buuxiyey shuruudihii lagu siinayey lacagtaasi ay heleen waxaanu yidhi "Lacagahaasi waxay ahaayeen lacago loogu talo galay in wax looga qabto ka hortagga xanuunka, laakiin lacagahaasi waxay u baahan yihiin sharuudo ku xiran iyo maamul, cidii soo gudbisayna waa loo fasaxay,” 


Dhawaan Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee uu khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka, ayaa sheegay in aysan lacagtaas soo gaarin.

Loading...
Loading...