Boqor Buurmadow Walaalkii Oo Sheegay In Jabhada Habarjeclo Ku Soo Duulayso Magaalada Berbera Iyo Ceelgardi

0
Friday April 24, 2020 - 19:59:55 in News by
  • Visits: 3611
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadow Walaalkii Oo Sheegay In Jabhada Habarjeclo Ku Soo Duulayso Magaalada Berbera Iyo Ceelgardi

    Boqor Buurmadow Walaalkii Oo Sheegay In Jabhada Habarjeclo Ku Soo Duulayso Magaalada Berbera Iyo Ceelgardi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Buurmadow Walaalkii Oo Sheegay In Jabhada Habarjeclo Ku Soo Duulayso Magaalada Berbera Iyo Ceelgardi


Hargeysa(HWN):-Nin ay walaalo dhab ah yihiin Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madaw ayaa dhawaaq colaadeed shaaciyay, waxaana uu sheegay in Jabhaddii dhawaan lagaga dhawaaqay Bariga Gobolka Sanaag gaar ahaan Buuraha Siraadlay ay duulaan ku soo yihiin Berbera iyo Dekedda Ceelgarde oo uu dhawaanahan ka taagnaa muran laba Beelood kasoo yeedhayay.




Ninkan oo magaciisa ku sheegay Axmed Aw Maxamuud oo la sheegay in ay Walaalo yihiin Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw ayaa muqaal uu iska soo duubay isagoo ku sugan Dalka Dibaddiisa sida lanoo xaqiijiyay waxa uu soo diray muuqaal saacadihii la soo dhaafay si weyn u qabsaday baraha Bulshada waxaanu muuqaalkaasi ka yidhi hadalkan "Waa Axmed Aw-Maxamuud Ninkan idinla hadlayaa, Si qiime badan ayaa u salaamayaa Umadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan si qiimo badan u salaamayaa Umadda Reer Somaliland, inyar oo Xog ah ayaan idinla wadaagayaa, Waxaan idiin sheegayaa in Jabhaddii Xaqdoon ee fadhigeedu ahaa Siraadlay, maanta inay soo ambabaxeen ayaan warbixin kooban idinka siinayaa, waxay soo mareen Balanbaal, Laasdoomaare, huluul, Dhuur-Cillaan, Raardabuur, intaasi oo dhan ayay soo mareen”


Waxa kale oo uu yidhi "Qayb kalena waxay caawa kasoo baxaysaa Ceel-Baxay, Waxaanay iskugu imanayaan Xaggal, Ciidankaasi Berbera ayay ku wajahan yihiin, labada Saldhig ee ay kala degayaan waxa weeyi CEEL-GARDI iyo Biyo Guure ayay kala degayaan, labadaasi ciidan labadaasi aag ayay kala degayaan, Ciidanka Badduna Waxay ay Saldhig ka dhiganayaan KARIN-DHABALE, Saldhigna waxay ka dhiganayaan XIIS-XARAGO, markaa Xiis Xarraggo Doonyo dheereeya ayaa joogga, Waa la qalabeeyay, Suugag ayaa la saaray, Shiilkayaal ayaa la saaray, markaa kolay inay xagga badda soo marayaan ayaan aaminsanahay, markaa baddana labadaasi Saldhig ayay mihiimaddoodu tahay, Xagga Gubanka waxay ku soo wajahan yihiin labadaasi Saldhig, Biyo Guure iyo Ceelgarde, markaa sabab ay Bari u sii joogaan iyo Siraadlay ma garankaro”.


Muuqaalkan ayaa Shalay si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada waxaana dad badani u fasirteen inay tani qayb ka tahay mid la doonayo in lagu dhaawaco nabadgalyada ka dhexaysa beelaha Somaliland islamarkaana la doonayo in sare loogu qaado, oo si kale looga faa’iidaysto muranka yar ee maalmahan laga maqlayay deegaanka Ceelgarde oo ay xalkeeda dawaddu Gacanta ku hayso. Waxa hore loogu xamanayay inuu jabhaddan aasaasay Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw oo ay ninkan walaalo yihiin.


Loading...
Loading...