Bukaankii Ugu Horeeyay Ee Lagu Duray Tallaalka Covid-19 Ee Tijaabada Ah

0
Friday April 24, 2020 - 16:52:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bukaankii Ugu Horeeyay Ee Lagu Duray Tallaalka Covid-19 Ee Tijaabada Ah

    Siduu u shqeynayaa tallaalka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siduu u shqeynayaa tallaalka?


laba qof oo mutadawiciin ah ayaa lagu duray tallaalka, waa tijaabadii ugu horreeysay taasi oo lagu tijaabin doono 800 oo qof.



400 oo ka mid ah dadkaasi ayaa lagu tijaabin doonaa tallaalka Covdi-19, halka 400 ee kalana lagu duri doono tallaalka ka hortagga meningitis.


Dadka lagu tijaabinayo ayaanan ogeyn nooca tallaalka lagu durayo balse dhakhaatiirta ayaa og.

Elisa Granato, oo ah mid ka ah labada qof ee lagu tijaabiyay tallaalka ayaa BBC-da u sheegay: ''Aniga seeynisyahan ma ihi, sidaa darteed waxaan rabaa inaan geeddi socodka tallaalka Covid-19 gacan ka geysto."


Tallaalka waxaa 3 bilood ka hor bilaabay koox ka socota Jaamacadda Oxford. Sarah Gilbert oo hogaamineysa barnaamijka ayaa sheegtay: ''Aniga shakhsiyan aad ayaan ugu kalsoonahay tallaalka".


Siduu u shqeynayaa tallaalka?

Tallaalka waxaa laga sameeyay fayraska hargabka oo hoos loo dhigay kaasi oo laqaano adenovirus wuuna ka yimaaday daanyeerka marka sidaa darteed bini'aadamka kuma dhex noolaan karayo.


Jamaacadda Oxford ayaa horay u sameeysay tallaalka xanuunka Mers oo isagana ka mid ah coronavirus, waxayna u mareen isla waddadaan.


Sidee ayay ku ogaanayaan in tallaalka uu shaqeeyay?

Waddada kaliya ee ay kooxdu ku ogaanayaan tallaalka Covid-19 inuu shaqeeyay iyo inkale waxay tahay in la isbarbar dhigo tirada dadka lagu duray coronavirus iyo kuwa lagu tijaabiyay tallaalka ka hortagga bakteeriyada.


bilaha soo socda waxaa la sameyn doonaa tijaabo tan ka ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan 5,000 qof oo mutadawiciin ah.


Kooxda Oxford ayaa sidoo kale tixgelinaysa iney tallaalka ku tijaabiyaan Afrika, gaar ahaan Kenya, oo ay aad sare ugu sii kacayaan dadka isu gudbinaya xanuunka.


Waa sidee badqabka tallaalka?

Dadka mutadawiciinta xaaladdooda aad ayaa loola socon doonaa bilaha soo socda. Waxaa loo sheegay in qaar mid ah ay suurogal tahay iney dareemi doonaan dhuunta oo xanuunta, madax xanuun ama qandho maalmaha ugu horreeya ee tallaalka.


Seeynis-yahannada ayaa ku raja weyn in bisha Sabteembar ay diyaariyaan talaalkii la siin laha illaa milyan qof.


Yaa hor isticmaali doona talaalka?


Prof Gilbert ayaa sheegeysa inaan weli la go'aanin cidda hor isticmaali doonto: ''Xaqiiqdii ma ahan doorkeena, inaga waxaan isku dayaynaa inaan helno uun tallaal shaqeynaya oo dadka ku filan.''


Kooxda kale ee Imperial College ka socota ayaa iyagana ku han weyn inay billaabi doonaan tijaabo talaal lagu oo bin'aadamka la siiyo bish June.


Kooxaha Oxford iyo Imperial ayaa dhaqaale £40m ka helaya dowladda kaasi oo lagu talagalay mashruuxca sameynta talaalka Coronavirus.


Xoghayaha caafimaadka BritanMatt Hancock ayaa ammaanay labada dhinac wuxuuna sheegay in UK ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sameyn lahaa talaalkaasi.


La taliyaha dhanka caafimaadka UK Prof Chris Whitty ayaa sheegay in talaal ama dawada Covid-19 ay diyaar noqon doonaan sannadka dambe dhex-diisa.



BBC


Loading...
Loading...