Miskiinbaa Misko La Fuulo Leh: Xaalada Waxbarasho Ee Ardayda Somaliland

0
Friday April 24, 2020 - 09:34:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miskiinbaa Misko La Fuulo Leh: Xaalada Waxbarasho Ee Ardayda Somaliland

    "Haddaba mee doorkii ay dawladu ku lahayd xalinta arrimahan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaba mee doorkii ay dawladu ku lahayd xalinta arrimahan"

 

Hargaysa (HWN) Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye oo sidoo kalana ah Diktoor iyo qoraa  ayaa ka hadlay xaalada ay wax kubartaan wakhtigan ardayda Somaliland oo ay haysato duruuufo kala duwan.

Waxaanu abwaanku sheegay in ardaydii shalay laga waanin jiray inay daawadaan Tvyada haatan lagu booriyo oo casharada ay kala socdaan Muuqaal baahiyaha, waxaanu abwaanku sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay shabakada Hadhwanaagnews, qoraalka oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

Macalimiintu shalay waxay waalidiinta ku boorin jireen ama ku dhiirigalin kieren inay ubadkooda ka ilaaliyaan daawashada TV yada  iyo isticmaalka Mobile da, iyagoo lahaa waa khalad iyo wax xun in ardaydu isticmaasho,, maantana waxa ay leeyihiin casharadii kala socdaTV ay heshiis la galeen, iyadoo guryaha qaar aanay dadku haysan TV ku xidhan satellite, dadka qaarna aysan awoodi in caruurtooda MOBILE SMARTPHONE  ah u iibiyaan, taasoo maamulka dugsiyada iyo madarasadaha gaarka loo leeyahay ku amreen atdayda in casharada ama duruusta loogu soo diri doono.

 

Hore waxa u jiray in ay dadka danyarta ahi ku qabeen dhibaato dugsiyada iyo madarasadaha gaarka loo leeyahay marka imtixaanada la galayo iyo marka fasaxa laga soo noqdo, waxaana jirta in ardayda lagu yidhaah imtixaanka galimaysaan ilaa aad sii qadintaan lacagta bisha fasaxa aad tihiin,  marka fasaxa lagasoo noqdana galimaysaan  ilaa aad bisha qadimtaan, waa hagardaamo iyo curyaamin lagu hayo bulshada, imikana waxa ay dugsiyadii soo saareen in bishii loo fasaxay xanuunka Carona ha ay dadku bixiyaan lacagtii, taasina waa dadqalnimo iyo cadawtinimo marlabaad lagula kacay bulshada, 

Haddaba mee doorkii ay dawladu ku lahayd xalinta arrimahaa aan kor ku soo sheegay,

Mee doorkii culimadu ku lahayd,  mise waa MISKIINBAA LEH MISKU LA FUULO,

 

QALINKII, MAXAMED C/QAADIR COLHAYE

[email protected]


Loading...
Loading...