Coronavirus Oo Galaaftay 40% Dhaqaalaha Soomaaliya

0
Friday April 24, 2020 - 09:10:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coronavirus Oo Galaaftay 40% Dhaqaalaha Soomaaliya

    "Marka u horreysay dadkii baa la kala joojiyay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka u horreysay dadkii baa la kala joojiyay,"


 

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dakhliga usoo xarooda uu hoos u dhacay 40%, taasoo uu sababay xanuunka coronavirus ee saameeyay.



Hoos u dhaca ayaa ka dhashay xayiraadaha lagu xakameynayo faafidda cudurka iyo canshuurihii badeecooyinka qaar oo la khafiifiyay. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ku xirnaa dalka dibaddiisa.


Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa BBC-da u sheegay in dhaqaalaha uu iska dhimay meelo badan oo ay dowladda canshuuro ka heli jirtay.


"Marka u horreysay dadkii baa la kala joojiyay, wax soo saarkii baa hoos u dhacay, sidaas daraaddeed dadka dakhligii soo galayay baa isdhimaya, dadkii maxaysatada ahaa ee maalin walba doolarka soo qaadanayayna wuu dhamaanayaa doolarkoodii, annaguna kuwaasaan canshuuro yar yar ku ahayn wixiina way dhammaadeen hadda," ayuu yiri wasiirka.


Hoos u dhaca 40%-ka ah ayuu Bayle ku qiyaasay lacag dhan $200,000,000 (Labo boqol oo milyan oo doolar).

Wasiir Bayle ayaa sheegay in hadda ay Beesha Caalamka weydiisanayaan kharashkii ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyn lahayd.


"Adduunyadu way isku wada xiran tahay, markii hore dhaqaalaheennu wuxuu u baahnaa kab, waan soo yareyneynay kabka, waxaana dooneynay inaan isku filnaanno, laakiin kabkii imika wuu sii batay, waxaan wadahadal kula jirnaa beesha caalamka oo uu ugu horreeyo Bangiga Adduunka, IMF-ta, Afrikac Development Bank iyo hay'ado kale oo uu ka mid yahay miwdowga Yurub, kuwaasaan dooneynaa inaan kabka ka kordhinno oo wixii daruuri ah ee loo baahan yahay laga helo", ayuu yiri.


Dhaqaalaha garoonka diyaaradaha bishiiba kasoo xaroon jiray ayuu wasiir Bayle ku qiyaasay ilaa 2 milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.


Sidoo kale waxaa xanniban inta badan howlihii dekedda Muqdisho, taasoo iyadana ka mid ah ilaha dhaqaale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Tan iyo markii feyraska corona dunida ku baahay waxa uu aad u saameeyey dhaqaalaha caalamka. Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka dunida ugu dhaqaalaha yar, dadkeeduna ay halista ugu jiraan burburka dhaqaale ee ka dhalan kara feyraskaas, waxaana muddooyinkii u danbeeyey aad uga deyrinayey haayadaha gargaarka.


Xaaladdii ugu dambeysay ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka bariga Afrika ee uu saameynta ballaaran ku yeeshay xanuunka faraha ba'an ku haya guud ahaan dunida ee Covid-19.


Sida ay xaqiisisay Wasaaradda Xaafimaadka ee Dowladda Federaalka, tirada cuud ee uu xanuunka ku haleelay Soomaaliya waa 328.


Dadka ilaa hadda Soomaaliya ugu dhintay coronavirus ayaa gaaraya 16 ruux.

8 qof ayaa ka caafimaadday xanuunka.

 

BBC

Loading...
Loading...