War Deg Deg Ah:-Xukuumada Muuse Biixi Oo Ugaadhsanaysa Dhalinyaradii Awdal Iyo Muwaadin Cabdiwahaab Cismaan Cumar

0
Thursday April 23, 2020 - 22:23:43 in News by
  • Visits: 3280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Muuse Biixi Oo Ugaadhsanaysa Dhalinyaradii Awdal Iyo Muwaadin Cabdiwahaab Cismaan Cumar

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Muuse Biixi Oo Ugaadhsanaysa Dhalinyaradii Awdal Iyo Muwaadin Cabdiwahaab Cismaan Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xukuumada Muuse Biixi Oo Ugaadhsanaysa Dhalinyaradii Awdal Iyo Muwaadin Cabdiwahaab Cismaan Cumar


Boorama(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsatay Cabdiwahaab Cismaan Cumar oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee magaalada Boorama.


Warar Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ay goor dhawayd ka qabteen Hotel Rays ee magaalada Boorama Cabdiwahaab Cismaan Cumar isaga oo aan faraha kula jirin wax dembi ah.



Image may contain: 1 person, indoor

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadii booliska ee qabtay Cabdiwahaab Cismaan Cumar ay markiiba u soo dhaadhiciyeen magaalada Hargeysa kuwaas oo ku aamini waayey saldhigyada booliska iyo xabsiga magaaladaasi.


Dhinaca kale ciidamada boolisku ilaa hada kamay hadal sababta keentay inay xoriyadiisa ka qaadaan muwaadin Cabidwahaab oo inta badan baraha bulshada ku bandhiga dhaliilaha kala duwan ee ay xukuumadu leedahay iyo sida uu hogaamintii qaranka ugu fashilmay Muuse Biixi, waxaana xusid mudan inuu si adag uga soo horjeeday xadhiga siyaasi Maxamed Abiib oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xidhnaa magaalada Hargeysa.


Xukuumada Muuse Biixi oo ugaadhsi ku haysa dhalinyarada firfircoon ee gobolka Awdal ayaa u muuqata inay ka damqanayso dhaliilaheeda isbiirsaday ee la soo bandhigayo iyada oo si gaar ahna u bartilmaameedsanaysa dhalinyarada.


Cabdiwahaab Cismaan Cumar ayaa laga daba geeyey siyaasi Maxamed Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo isagun ku xidhan magaalada Hargeysa kaas oo xukuumada Muuse Biixi u haysato qoraalo uu ku baahiyey bartiisa Facebook.


Si kastaba ha ahaatee xukuumada Muuse Biixi ayaa u muuqata inay miciinsatay xadhig ay kula kacayso cid kasta oo soo bandhigta dhaliilaha ay leedahay taas oo aan xal u noqon Karin in xukuumadu ay dedo waajibkeeda ay ka gaabisay.

 


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...