Asbaabaha Keenay In Somaliland Siyaasad ahaan Guuldarraysato.Qalinkii Sadam Osman Kaabash.
Beryahan waxa si baahsan u sii liicaysa dawladnimadii somaliland ka hanaqaadday 1991, May. Liicistaa siyaasadeedna waxay marag-ma-doonto u noqotay in sinaba any suuro-gal u ahayn in Somaliland iyadoo ku tamaniyeysa dal madaxbanaan ay hore u socoto. Cidhib xumada siyaasadeedna waxay soo bilaabantay tobankii sano ee u danbeeyey, intii Kulmiye hanaanka dawladeed hoggaamintiisa ku magacawnaaday. Siyaasadda Somaliland waxay noqonaysaa fashil sanadaha soo beegan haddaan asbaaban sii xoogaysanaya edeg iyo qalwo adag layskaga xidhan si qaranimadu u xoogaysato.
Ta ugu horraysa oo ah; Inshacabku tayo ahaan wacyi gelin ahaan ba aanay aqoon buuxda u lahayn dawladnimada iyo sida loo dawladoobo, fahanka dawladnimada ay ka haystaanna aanu jirin ba gebi ahaan---cidku wacyigelisaana aanay jirin. Fahanka dawladeed keliya uu yimaaddo amminta siyaasiyiintu mansabka xileed u kalebaratamayaan iyaga oo gabbaad iyo sallaan qurxoon ka sii dhigta soo bixistiisu in ay ka dhigantahay in la helaayo muudkii dawladnimada oo malab ka macaan. Fahankii dawladnimada oo shacabkii ka lumayna wuxuu horseeday in la soo doorto masuul bahal qaniinyadiisu ka kulushahay dhuuga geela qaniina. Siyaasigii ku taamayey in uu arladan ka dhigaayo laas barwaaqo ah oonlagu soo hayaamo. Taas beddelkeedana uu samaystay siyaasi kabaqaada magac ahaanna beeshiisa metela. Taasina waxay keentay i-saaminaad la'aan siyaasadeed iyo dano gaara oo ka dhex bilaab may dhuugii la soo doortay iyo shacabka. Shakhsiyaadkaasi waxay la baxeen siyaasiyiinta metela beelaha hayb ahaan ay ka soo jeedaan, xukunkooda masiiriga ah ee siyaasadeedna ay midida daabkeeda u hayaan. Sidoo kale,siyaasigani waxa uu aaminsanyahay in uu cilmi ahaan, caqli ahaan, arrin ahaan iyo aragti ahaan ba ugu sarreeyo inta uu astaanta siyaasadeed calankeeda u haayo. Shacabku ma dhaadana aqoon buuxdana uma laha hannaanka sharciyadeed ee wadanka ka jira iyo baraha lama taabtaanka ah ee dawladdiisa--iyo siyaasiga metela. Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan
Asbaabta labaad; Tobankii sano ee ugu danbeeyey waxa si' xidhiidha jaamacadaha uga soo burqanaayey qalin jebinta aqoonyahan badan, guud ahaan wada jaamiciyiina,gaar ahaanna aan ba fahan jira ka lahayn dawladnimada iyo sidii siyaasadda dawladda looga qayb qaadan lahaa, kama danbaystana aqoontoodu u noqon la hayd mid gebi ahaan ba wadanka u guurisa gegi dawaladeed oo lagu barwaaqoobo. Dhammaan aqoonyahankani waxa uu ka simman yahay si' seelseela in ay u leeyihiin surma-seegto shaarciyadda iyo sifaha dawladnimo ee Somaliland ku sifaysantahay, taa beddelkeedana caqligoodu awr hayina u yahay xambaarista iyo gudbinta hadalada caamadu suuqa dhexwareejiso ee aan salku lahayn ka faa'iidaynta aqoontooda iyo kartidooda. Edeb ahaanna ma jiro manhaj dawladnimada dhabta ah qeexaya oo loogu soo loox xarriqay hilaaddi aanay qalinjabka qaadhin. Taasina waxay horseedday in aqoon ahaan aanay haysan tiir dawladeed oo ka dhigaaya muwaaddin cududoodana ku taama in ay u hiiliyaan ciidooda.
Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan
Qodobka saddexaad; Dawladnimada curdinka ahi waxa loo samaystay in lagaga baxo tabashooyinka siyaasadeed kana soo burqanaayey beelaha dega somaliland, tabashadaas si' loo suulin lahaa waxa u guntiga dhiisha isaga dhigay naftood hurayaal mutadawacnimo ugu dhintay sidii caddaaladi uga hillaaci lahayd goboladii woqooyi, Somaliland. Si' taasi u dhacdo way leedmeen dhammaan geesiyadii naftooduna waxay ku huleeshay"badbaadi nolosha dadka shaadhka dawladeed lagu dulmiyey". Mujaahidiintii dadka hormuudka u ahaa waxay qalbiga ku gunteen gaws danbeedkana ku qaniinsanaayeen in dagaal dabadeed ay soo mudh odhan doonaan hoggaamiyayaal siyaasadeed aragtidooduna hirgasho. Dadkana u horseeda caddaalad, korrinta masxdooda, iyo taabbo gelinta waxay ciidooda iyo cududooda oo isku lamaani ku helayso barwaaqo iyo hodantinnimo dawladeed. Haseyeeshee, taasi may dhicin. Dhawr iyo labaatan sano dhalashadood oo ay Somaliland ku faanaysay gooni isu-taagga may helin hoggaamiye siyaasad ahaan korran, hiigsi leh, hodantinnimada iyo horumarinta nafuhuna hilinkiisa tahay. Manay helin qof siyaasad ahaan caqligiisa iyo aqoontiisa dawladeed ay ku xidhantahay aqoonta horumarsan ee dawladaha lagu hago. Taasina waxay ka dhigtay in Somaliland siyaasad ahaan liicdo oo aanay saansaan mustaqbal dawladeed yeelan.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland.
Biomedical Scientist.
Degmada: Maxamed Mooge.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!