Nuxurka Wadda Hadal Ay Khadka Telefanka Ku Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Turkiga

0
Thursday April 23, 2020 - 18:58:34 in News by
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Wadda Hadal Ay Khadka Telefanka Ku Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Turkiga

    Nuxurka Wadda Hadal Ay Khadka Telefanka Ku Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Turkiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Wadda Hadal Ay Khadka Telefanka Ku Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Turkiga


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa khadka telefanka wada hadal kula yeeshay dhigiisa wadanka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.

Farmaajo oo Erdogan kala hadlay fulinta balanqaad uu horey u ...


Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya, labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xidhiidhka u dhaxeeya labadooda dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xaaladaha uu sababay xanuunka Coronavirus.


Warka ay madaxtooyada soomaaliya ka soo saartay wada hadalka khadka telefanka ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Turkiga ayaa u dhignaa sidan:-


Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.


Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

Loading...
Loading...