War-Saxaafadeed: Muddo Dhaafka Golaayaasha Deegaaannada Ee 23 Gole Deegan 600 Xildhibaan

0
Sunday April 07, 2019 - 19:02:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Saxaafadeed: Muddo Dhaafka Golaayaasha Deegaaannada Ee 23 Gole Deegan 600 Xildhibaan

    Bismillaahi Arramanirraxeem.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Arramanirraxeem.


Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska muddo dhaafka golaayaasha deegaaannada ee 23 gole Deegan 600 xildhibaan

Waxaa iswaydiin leh goormay jamhuuriyadda madaxa banaan ee Somaliland ay u noqotay jabuuti Qabo uun la yidhaahdo

Waxaa kale muddo mudhaafay golayaasha deegaannada ee xilkooodi dhamaaday bishii saddexaad 30/3 /2019 ee sanadkan ayu ku jirno sida sharciga dalka u yaala ee umaddu ku heeshiisay in laga leexdana aanay habboonayn haddii laga baydho cidda ka dudana dambgu raacayo waa haddii dammiirku shaqaynaayo

Ma jiro muwaaddin aan ka tiiraanyasayn qabaa,llada ku abtirsada jamhuurayadda Allah ku beeray ee barakaysan ee halka Allaha u dooray kaas oo geeska dhulka madawgu deggenyahay ugu mudan

Waxaa walaac iyo walbahaar bulshada reer Somaliland ku hayey

Golaha wakiillada ee fadhiidka noqday wixii loo yeedhiyo ansixiya ee 17 tabanka sannadood lugooyada ku hayey bulshadii soo dooratay

Talo soo jeedin

1. In golahayaasha deegaannada muddo dhaafay inta golayaal kale laga soo dooranayo sannadkan 2019 aynu ku jirno dhammadkiisa xoghaya guddida fulintu sii hayo

2. In dalka ceebta laga ilaaliyo



muwaadinka xaqa ku lehna aan sharaftiisa lagu ciyaarin

3. Hora loo ogaa haddii ay dawladda jabuuti muwaadinkeeda wax u tarayso markii cumar caydiid oo muwaadin reer jabuuti ah markii Somaliland lagu dhibataynay ayey wax ka qaban lahayd

4. Boqol iyo siddeed labataanka miliyan in ay u soo celiso lama arag maamul dalkiisa biliyqaysta noqda xaalaal miirad haddii anay ahayn allahaw xishoon cabsoonann muwadiinta xaqooda u ilaaliya ma ogid inta geeridu kuu soo jirto.

5. Bulshada ama beelaha reer Somaliland iska ilaaliya wada dhalashada iyo in aan lagu xadgubin iyo wada lahaansha dalka idinka dhexeeya

6. Ha la gaadhisiiyo dalka biyaha yaan lagu mashquulin wax aan faa,ido u lahayn ha laga wada shaqeeyo homarka dalka

7. Ha loo gargaaro dadka jilicsan

8. Yaan dhalliyarada loo xalaalayn sinada iyo dhibatada hablaha Sharaf leh ku dhacaysa.

9. Waxay la bulshadu tabaysa culimadii dalka iyo wasaaradda diinta aw qaafta

Ha dhiman adoo dayn lagugu leehaya

Dalkaaga waxaad u qaban karto u qabo

Wax soo saar samee hurdadu yey kula tagin

Cilmiga aad baratay ha la fadhiisan gidaar uga faa,iidee dalkaaga isku day in adiga laguu shaqeeyo

Waligaa ha caalacalin

Hooyadii ku soo korisay ha ku wacad furin waxay kugu amarto ha diidin guushaada ayaa ku jirta

Deeq Cabdi Digale

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...